Wefti ka Socda Israa’iil oo Dalka u Yimi Sahaminta Fursaddaha Maal-gashi ee Beeraha JSL

0
154

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Wefti ka socda Waddanka Israel oo ka koobnaa maalgashadayaal iyo khubaro dhinaca beeraha ah oo booqasho ku yimid Somaliland ayaa shalay kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland. Booqashadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sahaminta fursadaha maalgashi ee dalka.

Booqashada weftigan ka socda Israel waxay astaan u tahay horumar diblumaasiyadeed iyo marxalad cusub oo ay Somaliland ku xoojinayso iskaashigeeda caalamiga ah iyo raadinta maalgashi toos ah oo lagu horumarinayo dhinaca beeraha. Kulankan oo ah mid sahamin iyo xog-ogaalnimo ah, haddana wuxuu xambaarsan yahay fursado istiraatiiji ah oo mudan in si qoto dheer loo qiimeeyo.

Beeraha Somaliland waa laf-dhabarta nolosha bulshada, iyada oo ay wali jiraan caqabado ay ka mid yihiin biyo-yaraan iyo maalgelin la’aan. Sidaas darteed, soo jiidashada maalgashadayaal dibadeed oo khibrad leh, sida kuwa Israel, waa furad weyn oo dalka u furaysa albaabo cusub oo lagu casriyeeyo wax-soo-saarka beeraha.

Israel waxa ay caan ku tahay horumarka dhinaca beeraha, isticmaalka teknoolojiyadda casriga ah ee beeraha, gaar ahaan nidaamyada waraabka (drip irrigation), kaydinta biyaha, iyo beerista deegaanka qalalan. Tallaabadanina waxay horseed u tahay iskaashi xoogan oo la xidhiidha ka faa’iidaysiga Somaliland ee aqoonta Isra’il, waxanay wax weyn ka beddeli kartaa wax-soo-saarka iyo tayada dalagyada dalka. Gunaanad ahaan, kulankan waa tallaabo dhiirrigelin leh oo muujinaysa in Somaliland ay si tartiib tartiib ah ugu socoto furitaanka albaabada maalgashi ee caalamiga ah.