Hargeysa (Dawan) Hay’adda caalamiga ah ee Cheetah Conservation Fund (CCF) ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaantay hoggaamiye ka dhex muuqda dedaalada caalamiga ah ee ilaalinta deegaanka, kaydinta khayraadka dabiiciga ah, iyo awood-siinta bulshada. Hay’addu waxay sidoo kale xustay in Somaliland ay hormuud u noqotay dadaallo casri ah oo lagu horumarinayo ilaalinta deegaanka, gaar ahaan barnaamijka loo yaqaanno Empowering Somaliland: Pioneering Community Conservancies.
Warbixintan waxaa lagu soo bandhigay barnaamij aqoon-is-weydaarsi ah oo uu daadihinayay Agaasimaha Ilaalinta iyo Wacyigelinta ee Cheetah Conservation Fund, Mr. Brian Badger, sidoo kalena ah khabiir caan ah oo ku takhasusay ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta. Barnaamijku wuxuu diiradda saarayay dadaallada maxalliga ah ee lagu ilaalinayo khayraadka dabiiciga ah, kuwaas oo ay si toos ah u hoggaaminayaan bulshada Somaliland. Sidoo kale waxay muujinaysaa in bulshada Somaliland ay si isa soo taraysa u xoojinayso ka qaybgalkeeda ku aaddan ilaalinta duurjoogta, dhulka dabiiciga ah, iyo guud ahaan khayraadka deegaanka.
Sidoo kale, khubarada kala ah Fiesta Warinwa iyo Brian Jones, oo lagu soo marti-qaaday barnaamijkan, ayaa iftiimiyay in habkan cusub uu si weyn u beddelayo nidaamkii hore ee ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta Somaliland. Waxay xuseen in qaabkani bulshada deegaanka ka dhigayo laf-dhabarta maamulka iyo daryeelka khayraadka dabiiciga ah.
Warbixintan ayaa lagu soo gabagabeeyay in Somaliland ay hormuud u tahay hirgelinta nidaamka cusub ee community conservancies, kaas oo saldhig u ah: In bulshada deegaanku ay si toos ah u maamusho ilaalinta deegaank; Xoojinta wacyiga iyo mas’uuliyadda deegaanka; ka hortagga ugaadhsiga sharci-darrada ah iyo xaalufka khayraadka dabiiciga ah iyo abuurista fursado nololeed oo ku saleysan ilaalinta deegaanka.
Ugu dambayn, arrintani waxay si cad u muujinaysaa dadaallada midho-dhalka ah ee xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta deegaanka, iyadoo si gaar ah u iftiiminaysa hoggaaminta firfircoon ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland. Wasaaraddu waxay muddooyinkii u dambeeyay si hufan u hirgelisay qorshayaal istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo daryeelka deegaanka, laguna yareynayo saameynta isbeddelka cimilada, isla markaana lagu ballaadhinayo iskaashiga caalamiga ah. Tani waxay Somaliland ka dhigaysaa tusaale muuqda oo ku dhisan horumar iyo masuuliyad deegaan, kana dhex ifaya gobolka Geeska Afrika.





















