Dalka Somaliland: “Horumarka Aqoonsiga Siyaasaddeed iyo Loolanka Caalamigga ah”

0
70

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan Warbaahinta Decrypter l’Afrique ayaa baahisay warbixin qoto dheer oo lagu falanqeeyay isbeddellada waaweyn ee ka dhashay aqoonsigii lama filaanka ahaa ee ay Israa’iil siisay Somaliland dabayaaqadii sannadkii 2025. Warbixintan oo uu diyaariyey suxufiga madax-bannaan ee Noé Auch Baudin, isla markaana lagu soo bandhigay barnaamij uu baahiyay joornaalka caanka ah ee Le Monde, ayaa si faahfaahsan u iftiimisay xaqiiqada ka jirta Somaliland, loolanka juquraafi-siyaasadeed iyo iftiinka mustaqbalka dalka.

Warbaahinta Decrypter l’Afrique oo ku hadasha afka Faransiisa oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan ayaa lagu bilaabay aragti guud oo tilmaamaysa in Somaliland ay tahay dal leh dhammaan astaamaha qarannimo balse aan weli ka dhex muuqan liiska Qaramada Midoobay. Waxaa lagu xusay in tan iyo 1991 ay Somaliland ahayd dal madax-bannaan kadib markii ay kaga go’day Soomaaliya dagaal dhiig ku daatay.

Warbixinta ayaa lagu bilaabay aragti ballaadhan oo ka hadlaysa doorka Somaliland ee siyaasadda casriga ah, waxaana lagu yidhi: “Dunida siyaasadda ee qarniga 21-aad, waxaa jira sheeko layaab leh oo ka dhex aloosan Geeska Afrika. Waa sheekada Somaliland: dhul leh dhammaan astaamaha qarannimada balse aan weli ka dhex muuqan liiska Qaramada Midoobay. Iyadoo caqabado badan ay jireen, haddana Somaliland waxay ku guulaysatay inay dhisto dimuqraadiyad deggan iyo dhaqaale ku tiirsan ganacsiga xeebaha Badda Cas.”

Waxa kale oo ay intaasi raacisay warbixitu “Somaliland waxay leedahay meel istiraatiiji ah. Taasi waa sababta ay Israa’iil u aqoonsatay, iyo sababta Imaaraadka Carabtu u maalgelisay Dekedda Berbera, Iyada oo Maraykankuna u arka in ay tahay bedelka Jabuuti. Maanta, dalkaasi wuxuu si weyn u soo jiitay indhaha quwadaha caalamka, iyadoo mawqifkiisa juquraafiyeed ee u dhexeeya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed uu ka dhigayo meel miisaan culus ku leh loollanka juquraafi-siyaasadeed ee dunida.”