“Somaliland waxay tiknoolojiyadda casriga ah u bedeshay halabuur siyaasadeed”
Mashruuc Dawladnimo Dijitaal ah: “Somaliland iyo sweden oo sahaminaya fikrad cusub”
Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee Horn Lens ayaa soo bandhigtay warbixin si qoto-dheer u iftiiminaysa iskaashi cusub iyo qorshe qarsoon oo u dhexeeya dawladaha Sweden iyo Somaliland, kaas oo diiradda saaraya dib u qaabaynta nidaamka dawladnimada casriga ah iyada oo la adeegsanayo tiknolojiyadda dijitaalka ah. Falanqaynta Warbixintan ayaa tilmaamaysa in iskaashigani uu ka tarjumayo tijaabo cusub oo lagu horumarinayo hufnaanta maamulka iyo kalsoonida shacabka.
Warbixintu waxay xustay in mashruucani uu ku salaysan yahay fikrad cusub oo loo yaqaan dawladnimo dijitaal ah, taas oo lagu tijaabinayo habab casri ah sida aqoonsiga dhijitaalka iyo nidaamyo xogeed oo sare u qaadaya maamulka dowladnimada. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in mashruucani uu si gaar ah ula xidhiidho isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika. Sidoo kale, waxay muujinaysaa in mustaqbalka dawladnimada aan lagu qeexi doonin calan laga taago Qaramadda Midoobay, balse lagu qeexi doono awoodda qaran ku leeyahay hal-abuurka wax-tarka leh iyo dhisidda kalsoonida dadkiisa.
Warbixintan oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan ayaa lagu yidhi “Iyadoo xaaladda Geeska Afrika ay weli tahay mid xasaasi ah, mashruucan ayaa loo arkaa tijaabo juqraafi-siyaasadeed oo xiiso leh. Somaliland oo aan weli aqoonsi buuxa ka helin caalamka iyo Sweden oo loo arko quwad hormuud u ah tiknolojiyadda adduunka ayaa wada sahaminaya fikradda cusub oo ah in dawladnimadu ay ka iman karto hufnaanta dijitaalka ah halkii ay kaliya ku xidhnaan lahayd aqoonsi dibadeed,” Warbixinta ayaa intaasi raacisay “Ugu dambayn, waxaa la tilmaamay in diblomaasiyadda ku salaysan qiyamka iyo fikradda “DNA-da dijitaalka ah ay si tartiib ah u beddelayaan fahamka dhismaha qaranka ee casriga ah.”
Warbixintan ayaa lagu soo gabagabeeyay “Somaliland waa dal dimuquraadi ah iyo mid ka mid ah tartanka diblomaasiyadda casriga ah. In ka badan 30 sanno kadib markii ay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda, waxay fowdadii ku beddeshay nabad, waxay samaysatay lacag u gaar ah, waxay dhistay ciidan sugan, waxayna qabatay doorashooyin dimuqraadi ah oo joogto ah. Sababta ugu weyn ayaa ah in aanay jirin aqoonsi caalami ah Sidaas darteed, Somaliland waxay diirradda saartay inay hal-abuurnimo la timaaddo. Waxay hormuud ka noqotay adeegyada lacag-bixinta mobilada (mobile money) iyo nidaamyo maaliyadeed oo madax-bannaan, xilli dunidu si kale u jeedsanaysay.”





















