Dhibanayaashii Nidaamkii Assad ee Dalka Suuriya Oo Markii Ugu Horreysay Sugaya Caddaalad

0
79

 

Muuqaalladii ugu horeeyey ayaa dhacay maxkamad ku taal Dimishiq Axaddii, iyada oo sarkaalkii ugu horreeyay ee ka tirsanaa nidaamkii hore ee Asad uu maxkamad la tiigsanayo, taasi waxay ahayd xasuusin weyn oo ku saabsan qaylada caddaaladda ee qoysaska dhibanayaashiisa aan la tirin karin. Waxaase laga wakaacsan yahay rabitaanka mas’uuliyiinta cusub ee Suuriya in ay la xisaabtamaan dambiilayaasha badan.

Atef Najib oo madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Amniga Siyaasadda ee magaalada koonfureed ee Deraa ayaa wajahaya dambiyo ka dhan ah qaranka Suuriya”.

Qoysaska dadkii ku dhintay nidaamkii Madaxweyne Bashar al-Assad ee xilka laga tuuray ayaa isugu soo ururay maxkamadda, iyaga oo sugaya in Najib – oo ah qofkii ugu dhowaa Assad ee la horkeeno garsoorayaasha. Tani waxay ahayd maxkamaddii ugu horreysay ee si gaar ah loogu talagalay kiisaska noocaas ah.

Xilligii xukunka Assad, dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo dibadbaxayaasha ayaa lagu maxkamadayn jiray Qasriga Caddaaladda, iyada oo qaar badan oo ka mid ah lagu xukumay dil ka dib markii maxkamadeyn aan caddaalad ahayn la soo taagay.

Dowladda cusub ee Islaamiyiinta Suuriya ayaa xidhay dhowr xubnood oo ka tirsan maamulka Assad.ย Kii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Amjad Youssefย , oo ahaa tuhmane muhiim ah oo ka dambeeyay xasuuqii Tadamon ee 2013, markaas oo 41 qof oo rayid ah indhaha laga xidhay, la toogtay oo god lagu tuuray.