Kormeerka Guddida Qandaraasyadda Qaranka: Tallaabo Lagu Hubinaayo Hufnaanta Mashaariicda Qaranka

0
139

Hargeysa (Dawan Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Cabdoo Axmed Ayir, ayaa muujiyay hogaamin muuqata iyo masuuliyad sare, kadib markii uu kormeer ku tegay mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo Gobolka Maroodijeex, gaar ahaan caasimadda Hargeysa. Tallaabadan waxay ka tarjumaysaa sida Guddida ay uga go’an tahay hubinta hufnaanta iyo daahfurnaanta mashaariicda lagu maalgeliyo miisaaniyadda qaranka.

Kormeerkan waxaa ku weheliyay xubno ka tirsan guddida, agaasime waaxeedyo, iyo shaqaalaha xafiiska, kuwaas oo fursad u helay inay xog-is-weydaarsi la yeeshaan Wasiirrada iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Tani waxay muujinaysaa isku xidhka dhow ee u dhexeeya maamulka fulinta iyo kormeerka, taasoo muhiim u ah in la xaqiijiyo in mashaariicda qaranku ay u socdaan si waafaqsan qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Inta uu socday kormeerku, waftigu waxay booqdeen mashaariic muhiim ah sida dhismaha xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib-u-habaynta xarunta Wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo si toos ah looga maal-geliyay miisaaniyadda qaranka. Kormeerkan wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa daahfurnaan iyo mas’uuliyad siyaasadeed, maadaama ay muhiim tahay in shacabka Somaliland ay arkaan sida hufan ee lacgta cashuurtii ay bixiyeen loogu fulinayo adeegayo iyo mashaariicda muhiimka ah ee horumarineed.

Guntii iyo gabagabadii, Kormeerka Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Cabdoo Axmed Ayir waa tallaabo mudan bogaadin iyo garab istaag, maadaama guud ahaan dadaallada muuqda ee guddidu ay yihiin kuwo xoojinaya kalsoonida shacabka iyo xaqiijinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka mashaariicda qaranka, taasoo kor u qaadeysa daahfurnaanta, maamul wanaagga iyo horumarka dalka.

 

 

 

 

 

.