Louis Saha Oo Magacaabay Saxeexii Ugu Xumaa Ee Abid Soo Mara Manchester United

0
53

Weeraryahankii hore ee Manchester United iyo xulka France, Louis Saha, ayaa ku tilmaamay Jadon Sancho inuu yahay saxeexii ugu niyad jab badnaa taariikhda kooxda.

Saha ayaa xusay in tan iyo bixitaankii Alex Ferguson sanadkii 2013, United ay ku bixisay lacago aad u badan suuqa kala iibsiga balse aannay helin guulo waaweyn, iyadoo weli aan ku guuleysan Premier League.

Sancho, oo lagu soo iibsaday £73 milyan sanadkii 2021, ayaa dhaliyay kaliya 12 gool 83 kulan uu u saftay kooxda, ka hor inta aan loo dirin amaah kooxaha Borussia Dortmund, Chelsea iyo Aston Villa.

Saha ayaa sheegay inuu filayay wax badan markii Sancho laga keenay Dortmund, isagoo ku tilmaamay ciyaaryahan leh “karti aad u weyn”, balse uu la yaabay sababta aannu u gaadhin heerkii laga filayay.

Wuxuu yidhi “Waxaan aaminsanahay in Jadon Sancho uu yahay saxeexii ugu niyad jab badnaa taariikhda Manchester United.”

Wuxuu intaas ku daray in Sancho u baahan yahay bilow cusub, isagoo tusaale u soo qaatay Marcus Rashford, si uu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.