Thierry Henry Oo Shaaciyay Kulanka Uu Ka Cabsi qabo In Arsenal ay Ku Kufto

0
134

Halyeeygii hore ee Arsenal, Thierry Henry, ayaa qirtay inuu ka walwalsan yahay kulanka xiga ee Premier League ee ay Arsenal la ciyaari doonto West Ham United.

Henry ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii Manchester City ay barbaro 3-3 ah la galeen Everton, taasoo ka dhigtay inay shan dhibcood ka dambeeyaan Arsenal, inkastoo ay haystaan hal kulan oo baaqi ah.

City ayaa marka hore kula ciyaari doonta Brentford gurigeeda, ka hor inta aannay Arsenal u safrin London Stadium si ay ula kulmaan West Ham.

Henry ayaa ka digay in Arsenal u maleyso in tartanku si fudud ku dhammaan doono:

“Manchester City waxay lumiyeen laba dhibcood, laakiin adigu ma ahan inaad waxaas ka fakarto. Waa inaad iska fogeysaa maloo dhan.”

Wuxuu si toos ah u muujiyay welwelkiisa “Waan ka walwalsanahay kulanka West Ham, sidii aan uga walwalsanaa City (kulankii Everton).”

Muxuuse ka yidhi fursada markale Arsenal gacanta usoo gashay ?

Thierry Henry ayaa sheegay in tartanka Premier League uu hadda ka baxay gacanta Manchester City.

Henry ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii City ay barbaro 3-3 ah la galeen Everton, natiijo ka dhigtay inay shan dhibcood ka dambeeyaan Arsenal, inkastoo ay weli haystaan hal kulan oo baaqi ah.

Wuxuu sheegay in hadda fursadda ay si buuxda ugu jirto gacanta Arsenal, isagoo yidhi:

“Wuxuu horyaalka hadda gacanta ugu jiraa Arsenal. Ilama ahan inuu gacanta Man City gali doono mar dambe.”

Henry ayaa tilmaamay in City ay muujiyeen walwal iyo qaladaad, taasoo sababtay inay Everton dib ugu soo laabato ciyaarta “Waxaan arkay xoogaa cabsi ah oo ka timid City, waxay sameeyeen qaladaad, ciyaartuna waxay noqotay mid waalan.”

Si kastaba, wuxuu uga digay Arsenal inay si degdeg ah u dabaaldegaan, isagoo ku booriyay inay diiradda saaraan kulamadooda “Guuleysta kulamadiina. Ha fiirina City. Wax walba waxay ku jiraan gacantiinna.” Ayuu yidhi