Aas-aasihii CNN MTed Turner oo Geeriyooday Isaga oo 87 Jir ah

0
71

Ted Turner, oo ahaa nin caan ku ah warbaahinta isla markaana samafale ahaa, ayaa geeryooday 6 May, 2026. Ted Turner, oo ahaa aasaasihii warbaahinta CNN, oo ah shabakad 24-saacadood oo ah oo ku caan ah wararka telefishanka, waxa la sheegay inuu si nabad ah u dhintay Arbacadii, isaga oo ay ku hareeraysan yihiin qoyskiisa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Turner Enterprises. Waxaana da’diisu ahayd 87 jir.

Sannadkii 1980, ayuu Turner bilaabay Cable News Network, wuxuu dhisay boqortooyo warbaahineed oo ka koobnayd xaruntii ugu horreysay ee telefishanka iyo kanaallo caan ah oo loogu talagalay filimada iyo kartoonada, iyo sidoo kale kooxo isboorti oo xirfadlayaal ah sida Atlanta Braves .

Madaxa hadda ee CNN iyo guddoomiyaha Mark Thompson ayaa Turner ku tilmaamay “Tiir weyn oo aanu garbihiisa ku taagannahay, dhammaanteen waxaan qaadan doonnaa daqiiqad aamus ah si aan u aqoonsanno isaga iyo saameynta uu ku lahaa nolosheenna iyo adduunkaba”.

Bayaan uu soo saaray, Thompson wuxuu ku yidhi: “Ted wuxuu ahaa hoggaamiye si weyn ugu lug leh oo ka go’aano, geesinimo leh, cabsi la’aan ah oo had iyo jeer diyaar u ah inuu taageero fikradiisa oo uu ku kalsoonaado xukunkiisa.”

Turner wuxuu shaqadiisa warbaahinta bilaabay isaga oo 24 jir ah markii uu la wareegay shirkaddii boodhadhka xayeysiinta ee aabihiis, Turner Outdoor Advertising, ka dib markii uu isdilay aabihii Turner oo oday ahaa. Wuxuu naxdintii iyo murugadii ku aasaasay shaqadii – waxaana uu ku kordhiyey wax soo saar kale.

Wuxuu iibsaday idaacado raadiyo ah, ka dibna wuxuu ku daray telefishanka 1970-kii isaga oo ka iibsaday xarun dhib badan oo ku taal Atlanta oo loo yaqaanay Channel 17.

Turner oo ahaa Ganacsadaha Atlanta oo ku dhashay Ohio, waxa lagu naanaysi jiray “Afka Koonfureed” dabeecaddiisa hadalka badan awgeed, Turner sidoo kale wuxuu ahaa nin caan ku ah badmaaxnimada oo wuxuu lahaa Doonyaha Tartanka ee dheereeya. Wuxuu noqday deegaan ilaaliye wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray dib u soo celinta xayawaanka loo yaqaano bison ee galbeedka Maraykanka, Nooc ka mid aha Lo’ debadeedka tuurta leh oo ku yar dunida. Wuxuu u sameeyey deegaan gaar ah.

CNN waxay markii hore la kulantay shaki iyo dhibaatooyin – waana lagu jeesjeesay, waxa lagu naanaysi jiray “Shabakadda Baastada Digaagga” sannadihii hore waxa loo malaynayey in aanay guuleysan doonin.

Laakiin kanaalka ayaa caddeeyay qiimaha uu leeyahay isaga oo bixinaya warar degdeg ah oo joogto ah oo ku saabsan sheekooyinka sida isku daygii dilka ee lagu dilay Madaxweynihii Maraykanka Ronald Reagan sanadkii 1981, iyo masiibadii hawada sare ee dayax-gacmeedkii Challenger sanadkii 1986.

Shabakadu runtii wakhtiga ay soo qaadatay waxa ka mid ah iyada oo si toos ah looga baahinayay Dagaalkii Khaliijka, intii lagu jiray Ciraaq 1990-1991.

Madaxweyne George Bush ayaa mar sheegay inuu wax badan ka bartay CNN marka loo eego CIA-da.

Guusha CNN ayaa horseeday in kanaallo kale oo warbaahineed ay raacaan, sida Fox News, oo uu bilaabay 1996-kii Rupert Murdoch oo ay muddo dheer isku hayeen Turner.

Madaxweyne Trump wuxuu aad u dhaleecayn jiray CNN-ka hadda jira, laakiin wuxuu ka yidhi Turner: “Mar kasta oo aan u baahdo, wuu joogi jiray, had iyo jeerna wuxuu diyaar u ahaa inuu u dagaallamo ujeedo wanaagsan!”

Sannadkii 1991, Turner waxaa loo magacaabay Ninkii Sanadka ee joornaalka Time sababta oo ah “saameyntii uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa dhacdooyinka iyo daawadayaasha 150 waddan oo ka dhigay markhaatiyaal taariikhda oo degdeg ah.”

Guddoomiyaha iyo Madaxa Fulinta ee CNN oo dhan, ayaa yidhi “Wuxuu ahaa oo had iyo jeer noqon doonaa ruuxa madaxa u ah CNN. Wolf Blitzer ayaa subaxnimadii Arbacada ku dhawaaqay geerida Turner isaga oo hawada ku jira.

Christiane Amanpour oo ka mid ahayd dadkii magaca ku yeeshay CNN, ayaa tidhi “Wuxuu ahaa kii asalka ahaa,” “Wuxuu dhammaanteen naga dhigay kuwo faan badan, wuxuu naga dhigay kuwo rajo leh, wuxuuna naga dhigay kuwo dhammaanteen u dadaala aragtidiisa adduun ka wanaagsan.”