Qiyaastii 2,300 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah ayaa ku dhintay dagaal ay Ruushku kula jiraan Ukraine, sida lagu sheegay baadhitaan BBC-du ku samaysay sawirro dayax-gacmeed iyo sawirro rasmi ah oo laga qaaday taallo cusub oo laga dhisay Pyongyang.
Kuuriyada Koonfureed waxay ku qiyaastay ugu yaraan 11,000 oo Kuuriyada Waqooyi ah in loo diray Ruushka si ay gacan uga geystaan dib u qabsashada qaybo ka mid ah galbeedka Kursk oo ay Ukraineqabsatay bishii Agoosto 2024.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa hore si cad u xusay askartii ku dhimatay dagaalka – waxaana la rumeysan yahay in Pyongyang ay Moscow ka heshay cunto, lacag iyo caawimaad farsamo.
Tirada ciidanka Kuuriya iyo inta dhimatay weligeed lama shaacin laakiin, Ruushku wuxuu sheegay inuu si buuxda dib ugu soo ceshaday.
Bishii Oktoobar 2025, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa amray in la dhiso matxaf ku yaal degmada Hwasong ee Pyongyang si loogu maamuuso ciidamadii lagu dilay dagaalkii Ruushka iyo Ukraine.
Shaqada ayaa ka bilaabatay dhul aad u kaymo badan isla bishaas gudaheed, waxaana Matxafka Xuska ee Hawlgallada Milatari ee Dibadda oo la daah furay 26-kii Abriil, waxaana ujeeddadiisa lagu sheegay in la muujiyo geesimimada askarta Waqooyiga Kuuriya.
Taalladan waxay ka kooban tahay laba derbi oo xusuus ah oo dhererkoodu yahay 30m (98ft) oo lagu xardhay magacyo, sawir iyo xabaalo.
Bishii Sebtembar 2025, hay’adda basaasnimada ayaa sheegtay in qiyaastii 2,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah la dilay, 2,700 oo kalena la dhaawacay.
Lama oga in dhammaan askartii la dilay lagu xusay darbiyada.
“Kuuriyada Waqooyi, Ruushku waa dalka kaliya ee ay si militari ah ula shaqeyn karto xaaladda go’doonsan ee ay hadda ku jirto,” ayuu yiri.
Taallada ayaa sidoo kale muujinaysa sida Pyongyang ay diyaar ugu tahay inay sii waddo iskaashiga milatari ee ay la leedahay Ruushka “iyada oo aan loo eegin sida dagaalku u socdo”.




















