Alonso: Heshiiskii Aan Ugu Biiray Real Madrid Khalad Ayuu Ahaa.

0
110

Idaacadda Isbaanishka ee Cadena SER ayaa shaaca ka qaaday in tababarihii hore ee Real Madrid, Xabi Alonso, uu dareemayo nafis maadaama aannu hadda la tacaalayn dhibaatooyinka iyo xiisadaha ka dhex qarxay kooxda 48-dii saac ee ugu dambeysay.

Warbixinta ayaa sheegtay in Alonso uu dadka ku dhow dhow u sheegay in aqbalidda tababarka Real Madrid xagaagii hore ay ahayd โ€œqalad,โ€ sababo la xidhiidha jawiga cakiran ee kooxda ka jira xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa la sheegay inay shaqada ka eriday Alonso bishii Janaayo kadib markii kooxda laga qaaday koobka Spanish Super Cup oo ay kaga adkaatay FC Barcelona, goโ€™aankaasoo saameyn weyn ku yeeshay kooxda dhinac kasta xilli ciyaareedkan.

Wararkan ayaa imanaya iyadoo xiisad weyn ay ka dhex jirto qolka labiska Real Madrid toddobaadyadii ugu dambeeyay, kadib murano iyo isku dhacyo dhex maray qaar ka mid ah ciyaartoyda, iyo sidoo kale xidhiidhka u dhexeeya ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka oo xumaaday.

Kooxda boqortooyada ayaa hadda ka shaqaynaysa inay hesho tababare cusub iyadoo la filayo bixitaanka รlvaro Arbeloa dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana tababaraha reer Portugal Josรฉ Mourinho loo arkaa musharraxa ugu weyn ee jagadan.