Lionel Messi Oo ku Tilmaamay Lamine Yamal inuu Yahay Dhaxalka uu Uga Tegay Barcelona & Camp Nou

0
94

Halyeeygii hore ee Barcelona Lionel Messi ayaa hadda u arkaya in dhaxalkiisii garoonka Camp Nou uu sii wado xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal, arrintaas oo uu si weyn ugu ammaanay.

Muddo 17 xilli ciyaareed ah, Messi wuxuu dhisay dhaxal taariikhi ah oo lagu xusuusto hal-abuurkiisa, degganaantiisa iyo xirfaddiisa cajiibka ah ee kubad wadista. Hadda, Yamal ayaa isna sameynaya waddadiisa gaarka ah ee Blaugrana, isagoo wata hal-abuur iyo farsamo u gaar ah garabka midig, isla markaana xidhan lambarkii caanka ahaa ee Messi ee No. 10.

“Waxaa jira jiil cusub oo ciyaartoy aad u wanaagsan ah oo mustaqbal dheer leh, laakiin haddii aan hal qof doorto marka la eego da’diisa, waxa uu qabtay ilaa hadda iyo mustaqbalka uu yeelan karo, waa Lamine,” ayuu Messi ka sheegay munaasabad ay qabanqaabisay Adidas toddobaadkan, sida uu qoray Diario Sport. “Shaki iigagama jiro, aniga ahaan waa kan ugu fiican.”

Yamal, oo hadda ah gooldhaliyaha iyo caawiyaha ugu sarreeya Barcelona, wuxuu dhowaan ku guuleystay abaalmarinta Laureus Young Sportsperson of the Year, taasoo aqoonsaneysa inuu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan adduunka ee ka yar 21 sano.

Sidoo kale wuxuu galay kaalinta labaad codbixinta Ballon d’Or 2025, isagoo lagaga guuleystay xiddiga Paris Saint-Germain Ousmane Dembele.

Inkasta oo Lionel Messi iyo Lamine Yamal aanay waligood garoonka ku kulmin, xidhiidhkooda ayaa si caan ah ku bilowday ku dhowaad 20 sano kahor, si kadis ah ama laga yaabee qaddar ahaan.

Sanadkii 2007, Messi oo markaas 20 jir ahaa ayaa waxaa Barcelona u dirtay inuu ka qeyb qaato sawirro samafal ah oo lagu qaaday Camp Nou, si lacag loogu ururiyo UNICEF iyo barnaamijyada ilaalinta carruurta ee Barça Foundation. Ilmihii Catalan-ka ahaa ee lixda bilood jiray ee Messi sawirka la galay wuxuu ahaa Yamal.

“UNICEF waxay qabatay bakhtiyaanasiib xaafadda Rocafonda ee magaalada Mataró halkaas oo qoyska Lamine ay deggenaayeen,” ayuu yidhi sawirqaadaha samafalka Joan Monfort sanadkii 2025. “Waxay iska diiwaangeliyeen bakhtiyaanasiibka si sawir loogu qaado Camp Nou iyagoo la jooga ciyaaryahan Barça ah. Wayna ku guuleysteen.

“Messi xitaa markii hore ma aqoon sida ilmaha loo qaado. Messi waa qof aad u xishood badan oo deggan. Wuxuu kasoo baxay qolka labiska kadibna si lama filaan ah ayuu isku arkay qol kale oo uu yaallo baaldi biyo ku jiraan iyo ilmo yar oo ku dhex jira. Way adkeyd.”

“Lamine inuu noqdo ciyaaryahan kubadda cagta ah, isla markaana uu haysto sawirkan, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inay dhacday. Gaar ahaan kubadda cagta maanta oo wax badan ku saabsan yihiin lacag iyo awood.” Ayuu yidhi Messi

Lamine Yamal ayaa si cad oo furan u muujiyay sida weyn ee uu u qaddariyo Lionel Messi.

“Aniga ahaan, Messi waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda,” ayuu yidhi Yamal intii lagu jiray xafladda abaalmarinta bishii hore. “Ma aqaan inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican dhammaan ciyaaraha, laakiin haddii aanu ahayn, aad ayuu ugu dhow yahay. Waa halyeey. Qof walba wuu ixtiraamaa wax kasta oo uu qabtay. Wuxuu qayb ka ahaa carruurnimada dhammaan carruurtii kubadda ku ciyaari jirtay iskuulka ama jardiinooyinka.” Ayuu yidhi