Muddo Tobanaan sano ah, maalgelinta difaaca Kanada waxay ahayd mid gaabis ah, taas oo keentay in wasiirkii hore ee gaashaandhigga dalkaa uu ka digay in ciidamada dalku ay galaan “xaalad dhimasho ah”. Hadda, ciidanka Kanada ayaa ku koraya xawaare aan la arag tobanaan sano, iyaga oo gaadhay tirada ugu badan ee askarta la qoro muddo 30 sano ah.
Kor u kaca labada sano ee la soo dhaafay wuxuu ku soo beegmayaa iyada oo adduunku uu la halgamayo iskahorimaadyo hubaysan oo waaweyn iyo hubanti la’aan juqraafiyeed ah, waxaana Kanada ay u diyaar tahay in ay balaayiin doolar ku bixinayso maalgelin milatari oo cusub ka dib sannado badan oo ay ka gaabisay waajibaadkeeda Nato.
Waxay kale oo dalkaa ka socda kor u kac aan caadi ahayn arrimaha qarannimada ah, tan iyo intii ay soo ifbaxday markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Kanada ugu yeedhay “gobolka 51aad ee Maraykanka” – hadallo ay dad badan u arkeen inay khatar ku yihiin madaxbannaanida dalka oo ka imanaya deriskiisa ugu dhow.
Charlotte Duval-Lantoine, oo ka tirsan Machadka Arrimaha Caalamiga ah ee Kanada oo cilmi-baadhis ku sameysa dhaqanka militariga Kanada, ayaa sheegtay in inkasta oo ay jiri karto “saameynta hadalkii Trump” waxa la rumaysan yahay in hawlaha dad-dar gelinta militariga la bilaabay 2022, xilligii Ruushka uu duullaanka ku qaaday Ukraine.
Markii uu Ra’iisul Wasaare Mark Carney xilka qabtay wuxuu ku dhawaaqay kordhinta mushaharka shaqaalaha militariga, waxaana taasi ay soo jiidatay Jiil cusub.
Sababta kale ee ugu weyn ee keentay kordhinta iyo tayeynta ciidamada, waa ku tiirsanaanta taariikhiga ah ee Kanada ay ku tiirsan tahay difaaca Maraykanka – oo ah deriskeeda oo ah awoodda militari ee ugu weyn adduunka -.
Marka la eego hawlaha diiwaanka Milateriga Kanada dhammaadkii Abriil, militariga Kanada ayaa ku dhawaaqay inay diiwaan geliyeen in ka badan 7,000 oo xubnood oo cusub oo ahaa qorshaha sannadkii maaliyadeed ee la soo dhaafay, waa tirada ugu badan ee askar cusub la qoro soddon sano gudahood. Tiradaasi waa qayb yar oo ka mid ah tirada guud ee dadka muujiyay xiisaha ay u qabaan inay ku biiraan ciidamada. Laga soo bilaabo bishii Febraayo, codsiyada la xaqiijiyay ee loo diray Ciidamada Qalabka Sida ee Kanada ayaa ku dhawaad laba jibaarmay sannadkiiba, iyagoo ka kacay 21,700 ilaa 40,116, sida laga soo xigtay tirooyinka ay BBC-da la wadaagtay Waaxda Difaaca Qaranka ee Kanada.
Si kastaba ha ahaatee waxyaabaha dunida ka socda sida, dagaalkii Ruushku qaaday Ukraine, damacii uu Trump muujiyey ee uu ku doonaayey inuu ku qaato Arctic oo Denmark ka tirsan iyo arrimo kale marka la eego Kanada way baraarugtay. Waxay dad badani leeyihiin uma noolaan karo sida Arctic.
Kanada, sida xulafadeeda Yurub, waxay isku dayeysaa inay isu diyaariso “dagaallada mustaqbalka iyada oo falanqaynaysa waxyaabaha hadda jira”.




















