Sanadihii u dambeeyey, dunida xoolaha waxa ka socda isbeddel ballaadhan oo ku saabsan horumarinta taranka lo’da. Iyagoo ka jawaabaya baahida sare ee caanaha iyo hilibka, dalal badan ayaa diiradda saaraya lo’da wax-soo-saarkeedu sarreeyo, u adkaysiga cimiladu fiican yahay, isla markaana keeni kara dhaqaale joogto ah. Noocyada kala duwan ee dunida laga isticmaalo waxa ka dhex iftiimay hal nooc oo si weyn u qabsaday warbaahinta xoolo-dhaqashada.
Barnaamijkeena dhaqashada xoolaha maanta mawduuceena aan ku soo qaadanaynaa waa mid aan is leeyahay waxa uu xiisa gaar ah u leeyahay xoola dhaqatada gaar ahaan Loolayda, beeraha dhaqashada xoolaha iyo xataa dawlada Somaliland gaar ahaan wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga JSL maadama dalkeena lagu tilmaamo in ishiisa dhaaqaale ayba tahay xoolaha nool.
Viatana 19 waa magaca Saca maanta aynu barnaamijkeena ku dul istaagi doono kaasi oo noqday saca Dunida ugu qaalisan, caansan looguna hadalhayna badan yahay, marka dunida inteeda kale laga yimaad waxa uu magac iyo maamuus ku leeyahay dunida maanta waxana uu ku dhex nool yahay beer ku taal Kaymaha dalka Brazil.
Sacani waxa uu leeyahay dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad, shaybaadh iyo xarun caafimaad oo gaar u ah taxadarka laga sameeyey amni ahaashihiisana awgeed waxa 24 ka saac lagu ilaaliyaa CCTV sida ay sheegayaan warbixinaha laga qoray, mana jiro dunida inta la ogyahay Sac loo ilaaliyo sida Viatina 19 oo kale.
Intaa waxa dheer inuu baraha bulshada ku leeyahay barkulan ay ku qoran tahay magaciisu waana saca inta la ogyahay haddii magaciisa lagu qoro internet ka ay kuu soo baxayso xogtiisa oo dhamaystiran gaar ahaan barta X(Twetter).
Viatina 19 waxay kasoo baxday sanodo badan oo khibrad iyo cilmi ku dhisan taran la xushay. Dalalka Latin America, dowladda Brazil iyo jaamacadaha xoolaha waxay si istiraatiiji ah isugu dareen laba nooc oo hormuud u ah taranka casriga ah:
Holstein – lo’da ugu caanaha badan adduunka
Gyr – lo’ aad ugu adkaysta kulaylka, cudurrada iyo baahida quudka
Isku darka labadan nooc ayaa soo saaray Viatina 19: taran leh jidh-dhis wanaagsan, awood sare oo caano-soo-saar, iyo adkaysi u gaar ah deegaanka kulaylaha ah. Waxay noqotay lamaane isku dhafan oo leh awoodaha labada dhinac.
Dhaqaalaynta iyo sida loo ilaaliyey koolkoolintiisa iyo sida uu u taaxtaaxinayo iyada oo La,du ba xaga xaraga socodka marka loo eego xoolaha kale uu aad u qurux badan yahay gaar ahaan xiliga barwaaqada ee ay naaxaan, haddana Saca Viatina 19 midab, qurux iyo xarago waa isku koobsaday waxad is odhonaysaa malaha waa ogyahay in waxa la hadal hayaa uu isaga yahay.
Sanadii 2023 ayuu magaca Sacani soo ifbaxay qiimihiisuna waxa uu ku bilaabmay 4.2milyan oo Doller, ugu dambaynse wakhti dhow ayaa la iibsaday oo waxa lasiistay 4.8milyan oo Doller.
Waxa uu la gaar yahay Sacani oo uu ka soocan yahay laandheere u yahay kana santaagaa oo uu ka xaragoodaa 200 oo milyan oo nee foo loo ah oo ku nool dalka Brazil, jooga dheer itaalka iyo qarawaynida dheeraadka ah, sakaarka wayn, hilboonaanta iyo midabka Boorka ah nadiifta ah ee dhogorta jilicda san xaragada iyo laafya socodka ayaa ka dhigay inuu noqdo saca ugu qaalisan Lo’da oo dhan.
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee lagu yaqaan Viatina 19 waa awoodda ay u leedahay caano-soo-saar joogto ah oo heer sare ah. Qaar ka mid ah xarumaha cilmi-baadhista Brazil waxay xaqiijiyeen in caanihiisu ay gaadhi karaan
40 litir maalintii gaar ahaan xilliyada caadiga iyo 50 litir maalintii ee xilliyada ugu wax-soo-saarka badan
waxana ay dalaal badan ku bixiyeen sida uu sheegay ninka iska leh Beerta lagu xanaaneeyo Viatina sacana isagu iska lihi sidii uu uga tafiir iyo farac uga reeban lahaa Sacan noociisu dunida ku cusub yahay, dhakhaatiirta ayaana arinkaa geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay, iyada oo markan la iibinayey ay ahayd mar lagu guulaystay ka reebista Jaal ama nooc la mid ah Viatina 19.
Faa’iidada ugu weyn ee tarankan ayaa ah in uu si wanaagsan uga shaqeeyo deegaanada kulaylaha iyo kuwa qabowga badan labadaba. Cimilo kasta oo adag, gaar ahaan kuwa Afrika, Viatina 19 waxay ku muujisaa wax-soo-saar ka badan lo’da kale ee caanaha badan.
Waxay si degdeg ah uga tirmisaa: Kuleylka xad-dhaafka ah, Quud xaddidan, Cudurrada ay u nugul yihiin lo’da aan is-dhalan ee caanaha badan iyo Xaaladaha nadaafad ee aan dhamaystirnayn
- XULASHADA TARANKA (Selective Breeding) Somliland maxay ka baran kartaa?
Viatina 19 ma aha sac si kadis ah u caano badan; waa natiijo ka dhalatay xulasho taran oo cilmi ku dhisan muddo dheer. Somaliland waxay ka baran kartaa in:
Lo’da lagu taro qorshe iyo cilmi, La doorto sacaha iyo dibiyada ugu wax-soo-saarka fiican iyo La joojiyo taranka aan lahayn ujeeddo cad.
- ISKU-DARKA TARAN MAXALLI + TARAN CASRI AH
Viatina 19 waxay ka dhalatay isku-dar (crossbreeding) u dhexeeya:
Lo’ u adkaysata kulaylka, Lo’ caano badan
Somaliland waxay ka baran kartaa in:
Aan gebi ahaanba la dayacin lo’da maxalliga ah, La isku daro lo’da deegaanka u adkaysata iyo taran caano badan iyo La helo lo’ cusub oo labadaba leh: adkaysi iyo wax-soo-saar.
- MUHIIMADDA CILMI-BAADHISTA IYO XOGTA
Viatina 19 waxaa lagu horumariyey iyadoo si joogto ah loo cabbirayo:
Caanaha ay bixiso, Dhalmada, Caafimaadka iyo Quudka
Somaliland waxay ka baran kartaa in:
La bilaabo diiwaangelinta xoolaha (records), La cabbiro wax-soo-saarka halkii laga qiyaasi lahaa, Go’aannada lagu saleeyo xog, ma aha mala-awaal.
Gabogabadii.
Viatina 19 ma aha oo keliya sac caano badan; waa astaanta horumarka taranka casriga ah. Waxay isku dartay tayadii Holstein-ka iyo awoodii Gyr-ka, iyada oo noqotay taran macno weyn u leh dhaqaalaha iyo nolosha beeraleyda. Dalalka Afrika oo ay ku jirto Somaliland waxay ka heli karaan fursad dahabi ah iyagoo la jaanqaadaya tarankaan si loo kordhiyo wax-soo-saarka caanaha iyo horumarka xoolo-dhaqatada.
Viatina 19 waa mustaqbalka taranka lo’da ee dalalka kulaylaha waa halyeey cusub oo qabsaday aduunka, kana mudan in si dhab ah loo barto loona faafiyo.





















