Madaxweynaha Faransiiska oo Booqanaya Bariga Afrika

0
146

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa bilaabay booqasho uu ku marayo Bariga Afrika iyada oo Paris ay raadineyso inay dib u dhisto saameynta ay ku leedahay qaaradda ka dib markii ay soo wajahday dib u dhacyo dhowr ah, gaar ahaan wadamadii uu gumeysan jiray ee Galbeedka Afrika.

Macron ayaa Sabtidii safar saddex dal ah ka bilaabay Masar, kaas oo sidoo kale u sii gudbi doona Kenya iyo Itoobiya.

Wuxuu martigelin doonaa shir madaxeed ka dhici doona Kenya oo u dhexeeya dalal ku hadla Kuqada Ingiriisiga Isniinta iyo Salaasada iyada oo Faransiisku uu doonayo inuu dib u qeexo doorka uu ku leeyahay Afrika,ย isaga oo ka tagaya doorkiisii โ€‹โ€‹โ€‹โ€‹gumeysiga ย una gudbaya iskaashi dhow. Shir madaxeedkan ayaa kulmi doona hoggaamiyeyaasha Afrika iyo madaxda shirkadaha, iyada oo heshiisyo dhowr ah oo dhexmara shirkadaha Faransiiska iyo Kenya la saxiixi doono inta lagu guda jiro booqashada si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Shir madaxeedka “Africa Forward” ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee ka dhaca waddan ku hadla luqadda Ingiriisiga oo uu ka soo qayb galo Macron tan iyo markii uu xilka qabtay 2017.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa Arbacada soo gabagabeyn doona safarkiisa Addis Ababa, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono mas’uuliyiinta Itoobiya, kana qayb qaadan doono wadahadallo ka dhacaya xarunta Midowga Afrika oo ku saabsan nabadda iyo amniga Afrika.

Socdaalkan waxaa si weyn loogu arkaa mid ay Paris ku doonayso inay ku hagaajiso xidhiidhka dhaqaale iyo amni iyo inay ka hortagto dareenka ka dhanka ah Faransiiska ee sii kordhaya ee ka jira qaybo ka mid ah Afrika.

Paris, dhab ahaantii, waxay isku dayeysaa inay beddesho siyaasaddeeda Afrika; si kastaba ha ahaatee, su’aalaha ku saabsan saameynta ay ku leedahay qaaradda ayaa ah kuwo weli taagan.

 

 

 

 

 

 

 

 

ย