Mid ka mid ah, macallimiinta dhiga Jaamacadda dalka Koonfur Afrika ayaa ardaydiisa oo ka koobnayd heerarka aqoonta ee kala duwan (Degree, Master iyo PHD) u qorey warqad uu kaga warramayo xaaladda kulliyadda uu dhigo ee jaamacadda Koonfur Afrika.
Professorka ayaa kelmadahan ku qoray warqadiisa: ” Burburka ummaduhu uma baahna atoomik bam ( Nuyukliyer) iyo ganataalaha riddada dheer oo lagu baabiiyo.
Laakiin ogow waxa lagu baabiin karaa in hoos-u-dhac lagu sameeyo tayada waxbarasho iyo manhajkaย dalka, ardaydana loo ogolaado in imtixaanka ay qishaan oo kala eegtaanโ.
Arinkaasi ayaa suuro-gelinaya in qofkii bukey kuย hoos dhinto dhakhtar ku soo gudbay imitxaanka oo uu eegtay ama Qishay, dhismaha guryuhuna ku dumaan Engineer aan aqoon lahayn oo ku soo baxay Qish, hantiduna ku lunto xisaabiye, ku soo adeegsaday Qish.
Ixtiraamka Aadminimonaย ku hoos dhinto wadaad ku soo gudbay aqoon diin ahaaneed oo Qish ah, caddaaladduna ku dayacanto garsoore isna aqoon sharci aan lahayn, balse ku soo gudbay Qish. Intaasi marka ay dhacdo waxa Jahligu ku fidiyaa Caqliyada dhallinyarada, kaas oo uu uu gaadhsiinayo macallin isaga laftiisuna ku soo gudbay Qish”. Burburka tacliintu waa Burburka ummadda. (Jamiiforums.Com)
ย























