Horumarkii Hooyadu Sababtay!

0
187

Markii uu aqoon yahanku ka gudbay  imtixaankii hore ayaa loo sheegay inuu geli doono waraysi (Interview) si go’aankii ugu danbeeya looga gaadho inuu ku guulaysto jagada maamulaha ee shirkadda ka banaanayd.

Wuxuu ahaa aqoonyahan aad u dhisan, gudoomiyaha shirkadda markii uu arkay natiijada imtixaanka uu keenay iyo Cv-ga iyo natooyinka imtixaanadiisa  ilaa heer jaamacaeed, ee uu soo gudbiyay aad ayuu ula yaabay heerka aqoontiisa. Markii uu la kulmay wuxu weydiiyay su’aalahan:

Miyay jirtaa deeqo waxbarasho oo aad wax ku baratay? , wuxu ku jawaabay Maya. Marka kale wuxuu weydiiyay Ma aabaha ayaa kaa bixin jiray kharashka waxbarasho. Waxa uu ku jawaabay aabahay  wuxuu dhintay  anigoo hal sano jiray. Hooyaday ayaa bixin jirtay. Gudoomiyaha: Hooyada maxay qaybataa? Aqoonyahanka: Hooyaday dharka ayay dadka u maydhaa.  Gudoomiyha: Adigu Miyaad  la maydhaa?  Aqoonyahan: Maya, ma ogola waxay igu tidhaa adigu casharadaada akhriso.

Gudoomiyaha: Caawa iyada gacmaheed u maydh ka dibna subaxa beri ah ii kaalay.   Aqoonyahankii ayaa habeenkii hooyadii u maydha gacamaheeda waxase uu ogaaday in gacamaheedu ay noqdeen kuwo adkaaday oo dhib weyni ka muuqato. Habeenkii ayuu ka maydhay dharkii intii hadhsanayd isagoo ogaaday dhibtaada hooyadii haysatay.

Subixii ayuu u galay guddomiyaha isagoo weli dareemaya hooyadii. arinkii ayuu u sheegay iyo sida uu isu bedelay markii uu ogaaday gacmaheeda isbedelka ku dhacay.  Gudoomiyah ayaa ku yidhi : Haddana waanu ku qaadanay shaqadii Maamulaha adigoo dareemaya inaad ku heshay dadaalkii hooyadaaa ku gelisay.