Xukuumada JSL oo Ballan-qaaday Horumarinta Xarunta Daryeelka Caruuta Qaranka ee Hargeysa

0
110

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa booqasho ku tegay Xarunta Daryeelka Carruurta Qaranka ee xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, taas oo qayb ka ahayd munaasibadaha Maalinta Qaran ee Iskaalmaysiga iyo Isu-samafalka Shacabka Somaliland ee 10-ka May.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ay weheliyeen wasiirro iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumaddu ayaa kulan la qaatay maamulka xarunta, carruurta iyo hawl-wadeennada gacanta ku haya adeegyada daryeelka. Waxa uu sheegay in maalintani tahay xilli lagu xoojinayo damiirka bulshada, laguna muujinayo taageerada iyo garab istaagga dadka nugul ee u baahan daryeel iyo samafal.

Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa carruurta xarunta ku tilmaamay mustaqbalka Qaranka Somaliland, isaga oo xusay in xukuumad ahaan waajib ka saaran yahay daryeelkooda, waxbarashadooda iyo horumarintooda nololeed. Waxa uu sheegay in dawladdu ka shaqayn doonto wax ka qabashada baahiyaha ka jira xarunta, gaar ahaan dhismaha qolal cusub, dayrka xarunta iyo in xarunta lagu daro miisaaniyadda dawladda.

“Carruurtani waa carruur qaaliya, waxaanu ku dadaalaynaa inay noqdaan hormoodka ummadda Somaliland wakhtiyada soo socda,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku. Waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddu ballan-qaadayso arooska laba lamaane oo ka tirsan dhalinyarada ku barbaartay xarunta, si loogu dhiirrigeliyo inay noqdaan bulsho isku xidhan oo rajo leh.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa si weyn u ammaanay horumarka ka socda magaalada Hargeysa, isaga oo bogaadiyey shaqada ay waddaan maamulka dawladda hoose iyo duqa caasimadda Cabdikariim Axmed Mooge. Waxa uu sheegay in isbeddel muuqda laga dareemayo magaalada, gaar ahaan dhinacyada waddooyinka iyo buundooyinka.