Barkhad Jaamac Batuun, ayaa si faahfaahsan uga hadlay kaalinta taariikhiga ah ee gobolka Awdal ku leeyahay dhismaha, horumarka iyo jiritaanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirku waxa uu sheegay in gobolka Awdal uu laf-dhabar u yahay dowladnimada Somaliland, isla markaana uu door muuqda ku leeyahay marxaladihii kala duwanaa ee lagu yagleelay nidaamka dawliga ah ee dalka.
Wasiir Barkhad Jaamac Batuun ayaa sidoo kale tilmaamay in bulshada gobolka Awdal ay qayb weyn ka qaateen unkankii dowladnimada, curinta iyo sameynta calanka qaranka iyo hal-abuurka heesta calanka Somaliland, kuwaas oo astaan u noqday dawladnimada, midnimada iyo jiritaanka qaranka. Waxa kale oo uu xusay doorkii muhiimka ahaa ee gobolkaasi ku lahaa nabadayntii iyo shirarkii dib-u-heshiisiinta ee sanadkii 1993, kuwaas oo saldhig u noqday xasilloonida iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland maanta ku naaloonayso.
“Bulshada Gobolka Awdal waxay udub-dhexaad u tahay jiritaanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waana gobol ku suntan taariikhda dowladnimada, calanka dalka, heesta calanka, nabadayntii shirkii magaalada Boorame ee 1993, hoggaaminta, dimuqraadiyadda iyo aqoonta,” ayuu yidhi Wasiir Barkhad Jaamac Batuun oo ka hadlayay kulan uu magaalada Boorama kula yeeshay warbaahinta gobolka Awdal.
Wasiirku waxa uu sidoo kale bogaadiyey kaalinta ay Awdal ku leedahay horumarinta aqoonta bulshada, hoggaaminta siyaasadda iyo kobcinta dimuqraadiyadda. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in maanta shacabka Somaliland looga baahan yahay inay dunida tusaan horumarka, nabadda iyo jiritaanka dalkooda, si loo xoojiyo himilada aqoonsi buuxa oo caalami ah ee ay Somaliland muddada dheer u soo halgamaysay.
“Waa in aynu dhegaha bulshada Somaliland iyo ta caalamkaba tusnaa dalkeenna iyo jiritaankiisa, maadaama oo uu aqoonsi helay oo Madaxwaynuhu keenay, isla markaana waxaynu u samraynay ee aynu muddada dheer u soo halgamayney ahayd helitaanka aqoonsigaas,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun.




















