Koobka Aduunka: Waalidiinta Mexico Oo Diiday in la Soo Horumarianayo Fasaxa Dugsiyadda Waddanka

0
106

Dowladda Mexico ayaa ka noqotay qorshe lagu soo dedejin lahaa fasaxa sannad-dugsiyeedkeeda ardayda oo la soo horumarinayey wakhtigiisa bil ka ho, iyada oo la tixgelinayo Koobka Adduunka. Qorshahan ooh ore dawladu ugu dhawaaqday ayaa laga noqday ka dib markii ay si baahsan uga soo horjeesteen waalidiinta, hay’adaha cilmi-baadhista iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah, sida ay sheegtay dowladdu.

Ka dib markii dhaleeceyn badan laga soo jeediyay ku dhawaaqida wasiirka waxbarashada Mario Delgado ku sheegay in sanad dugsiyeedka uu dhammaan doono 5-ta bisha June oo qiyaastii ah 40 maalmood ka hor xilligiisii, hase ahaatee diidmada waalidiinta iyo dadka ka shaqeeya ayaa la tixgekiyey, waxaana in laga noqday ku dhawaaqday Madaxweyne Claudia Sheinbaum.

Kulanka dawlada, waxaa la isku raacay in jadwalka iskuulka loo ilaaliyo sidii hore loogu qorsheeyay loona dhammeeyo July 15, iyada soo noqoshaduna ay ahaan doonto Agoosto 31, sida ay sheegtay Waaxda Waxbarashada. Madaxweyne Sheinbaum ayaa tidhi “Hadafku waa inuu noqdo go’aan la isku raacsan yahay,” “Waxaana la dhegeystay hadalkii waalidiinta.”

Delgado, ayaa Jimcihii la soo dhaafay si lama filaan ah ugu dhawaaqay dhammaadka sannad-dugsiyeedka Juun 5, isaga oo ku doodaya in go’aanku sidoo kale ku salaysan yahay xilliga kulaylka. Waalidiintu waxay sidoo kale su’aal ka keeneen tallaabadaas, taas oo, hay’adda cilmi-baadhista ee Mexico Evalua ayaa ku dooday in soo horumarintu ay sababi doonto in ardaydu ay dib uga dhacaan waxbarashadooda.

“Go’aanku  wuxuu yareyn doonaa waqtiga waxbarasho ee wax ku oolka ah oo ay ku xidhan yihiin in ka badan 23.4 milyan oo arday,” Mexico Evalua ayaa ku dartay doodeeda. Koobka Adduunka, oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Mexico, Maraykanka iyo Kanada, ayaa bilaabanaya 11-ka Juun markaas oo Mexico ay la ciyaari doonto Koonfur Afrika gurigeeda oo ku yaal Mexico City. Ciyaarahana waxaa lagu qaban doonaa saddex magaalo oo keliya oo ka tirsan dal weynaha Mexico.

Sheinbaum waxay sidoo kale damaanad qaaday “xaaladaha amniga” ee lagama maarmaanka u ah ciyaaraha iyo sidoo kale dhammaystirka mashaariicda shaqada dadweynaha ee la bilaabay ka hor tartanka, gaar ahaan ku darista garoonka Azteca iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Mexico City.

Mas’uuliyiinta Malaysia ayaa bilaabay howlgal lagu baadi goobayo dadka maqan ka dib markii Doon ay saarnaayeen 37 qof oo atahriibayaal ah ay ku degtay xeebta galbeed ee dalkaas.

War-saxaafadeed ay soo saartay Salaasadii, Hay’adda Fulinta Badda ee Malaysia (MMEA) ee gobolka Perak ayaa lagu sheegay in kalluumeysatada maxalliga ah ay ilaa hadda badbaadiyeen 23 qof, halka 14 kale la la’yahay.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Bernama, laba markab oo ka tirsan MMEA, oo ay caawinayaan booliiska badda, ciidamada badda iyo xubno ka tirsan bulshada kalluumeysiga ee deegaanka, ayaa ku lug leh hawlgalka raadinta.

MMEA waxay sheegtay in dhacdadan ay ku wargelisay kalluumeysato maxalli ah Isniintii hore, kuwaas oo helay dadkii badbaaday oo ku dul sabeynaya badda biyaha xeebta Pangkor.

“Markab kalluumeysi oo maxalli ah ayaa si guul leh u badbaadiyay 23 dhibanayaal ah, oo ka kooban 16 rag ah iyo toddobo dumar ah, kuwaas oo dhammaantood loo wareejiyay goobo baadhitaanno dheeraad ah loogu samaynayo,” ayuu yidhi Mohamad Shukri Khotob, agaasimaha shirkadda Perak MMEA.

“Waxa la ogaaday in Doonidu ay ka soo baxday Kisaran, oo Indonesia ah, 9-kii May waxayna … u socdeen dhowr meelood oo Malaysia ah, oo ay ku jiraan Penang, Terengganu, Selangor iyo Kuala Lumpur,” ayuu yidhi Khotob.

“Ilaa hadda … dhibanayaasha hadhsan weli lama aqoonsan, hawlgallada raadintana way sii socdaan,” ayuu raaciyay Maxamed Shukri. Malaysia waxaa ku nool malaayiin muhaajiriin ah oo ka yimid qaybo ka mid ah Aasiya oo sabool ah, badankooduna waa kuwo aan sharci lahayn, kana shaqeeya warshado ay ku jiraan dhismaha iyo beeraha. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in qiyaastii 100,000 ilaa 200,000 oo Indonesian ah ay sanad walba sameeyaan safar khatar ah.