Wadajirka Ciidanka Booliska iyo Shacabka Somaliland Waa Laf-dhabarta Amniga, Nabadda iyo Xasiloonidda Qaranka

0
86

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujiyey xirfad, dedaal joogto ah, iyo go’aan adag oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada bulshada. Afhayeenka Ciidanka Booliska, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in ciidamadu ay si degdeg ah uga jawaabeen rasaastii habeen hore laga maqlay qaybo kamid ah xaafadaha Hargeysa, iyadoo eedaysanayaashii qaarkood lasoo qabtay halka kuwa kalena lagu daba jiro soo qabashadooda.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si gaar ah u bogaadiyey doorka muhimka ah ee shacabka Somaliland ee ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee qaranka, isaga oo tilmaamay kaalintii weynayd ee shacabku ka qaateen hawlgalkan amni. Waxa uu ku amaanay wada-shaqaynta iyo dadaalkooda joogtada ah ee lagu ilaalinayo nabadgelyada, isagoo caddeeyey sida wadajirka bulshada iyo ciidanka Boolisku uu laf-dhabarta ugu yahay amniga guud.

“Caasimada xalay (habeen hore) waxa ka dhacay rasaas ay rideen eedaysanayaal ay Ciidanka Boolisku aqoonsadeen, qaar kamid ahna lasoo qabtay halka kuwa kalena lagu daba jiro. Shacabka Somaliland ayaa naga caawiyey hawlgalkaas, waxaana ku dhiirrigelinayaa wada-shaqayntooda,” ayuu yiri Afhayeenka.

Tallaabadan muhiimka ah iyo sida xilkasnimada leh ee ciidanku uga jawaabeen arrintan ayaa muujinaysa in Ciidanka Booliska Somaliland uu yahay tiirka ay ku taagan tahay nabadgelyada iyo xasilloonida dalka Somaliland. Ciidamadu waxay marwalba ka tarjumayaan xirfad, daacadnimo, iyo go’aan adag, iyadoo wadajirka shacabka iyo boolisku uu caddeyn u yahay in nabadgelyadu tahay hawl wadajir ah, lagama maarmaan u ah horumarka iyo xasilloonida Somaliland.