Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Dhiirrigeliyey Hoggaanka Golaha Degaanka Hargeysa

0
120

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdale Maxamed Carab, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka cusub ee Caasimadda Hargeysa, iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa si diirran u soo dhaweeyey hoggaanka cusub, isagoo u rajeeyey in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, isla markaana ay si hufan ugu adeegaan shacabka Caasimadda Hargeysa.Tallaabadan ayaa ah mid muujinaysa dimuquraadiyadda iyo habsami u socodkii doorashada Golaha Deegaanka, waxaanu xusay in kala-guurka hoggaanku uu muujinayo bisayl siyaasadeed, wada-tashi iyo adkaynta xasilloonda Caasimadda.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in uu si wanaagsan ula soo shaqeeyay hoggaankii hore ee golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, isla markaana uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo hoggaanka cusub, si loo sii ambaqaado horumarinta adeegyada bulshada, bilicda magaalada iyo xoojinta maamulka Caasimadda.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda, kuwaas oo iyaguna ku amaanay geeddi-socodka nabdoon ee isbeddelka hoggaanka Caasimadda Hargeysa. Sidoo kale kulankani wuxuu muujinayaa is-afgarad, wada-shaqayn iyo isku-duubni u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo Golaha Deegaanka, taas oo saldhig u ah amniga, horumarka iyo xasilloonida Caasimadda Somaliland.