Maamulka ugu sarreeya United ayaa go’aansaday in ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Red Devils Michael Carrick uu yahay ninka saxda ah ee qaban kara shaqada tababaranimo ee kooxda. Sidaa awgeed hada waxa socda wadahadalo Michael Carrick oo ku saabsan inuu saxeexo heshiis laba sano ah si uu u noqdo tababare joogto ah.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcihii, 44-jirkan – oo xilka sii hayay tan iyo January – ayaa sheegay in go’aan dhow la gaadhi doono.
Waxaan meesha laga saari karin ku dhawaaqis mustaqabalkiisa ah, Axadda marka la ciyaarayaan Nottingham Forest. Qandaraaska la galo waxay u badnaan doontaa in la kordhiyo hadii shaqadu sii wanaagsanaato.
Carrick oo si toos ah looga weydiiyay xaaladda markii uu saxaafadda kula hadlay garoonka tababarka ee Carrington ee United Jimcihii, ayaa yidhi: “Mustaqbalkayga dhawaan ayaa la go’aamin doonaa. Waan ogayn taas.”
Madaxa fulinta Omar Berrada iyo agaasimaha kubadda cagta Jason Wilcox ayaa kula taliyey gudoomiyaha kooxda Sir Jim Ratcliffe inuu magacaabo Carrick markii xilka laga qaaday Ruben Amorim.
Ciyaartoyda badankood waxay taageereen Carrick shaqada, iyada oo taageerayaasha badankood ay sidoo kale aaminsan yihiin in ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee England uu xaq u leeyahay in la siiyo booskaas ka dib markii uu ku guuleystay 10 ka mid ah 15 kulan oo uu horyaalka u ciyaaray si uu u xaqiijiyo booskiisa Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
United waxay u baahan tahay hal dhibic labadii kulan ee ugu dambeysay si ay u hubsato inay kaalinta saddexaad ku dhammeysan doonto.
Carrick ayaa lagu soo daray liiska lix tababare oo u tartamaya abaalmarinta tababaraha xilli ciyaareedka ugu fiican horyaalka.
Carrick, oo xaqiijiyay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil ee 34 jirka ah Casemiro uu diyaar u noqon doono macsalaameynta Old Trafford, waxaana uu sheegay inuu inuu raaco doono dhaqankii uu bilaabay tababarihiisii hore Sir Alex Ferguson isla markaana uu la hadlo taageerayaasha ka dib ciyaarta Forest.
“Taasi si kastaba ha ahaatee waa muhiim,” ayuu yidhi. “Taageerayaashu waa qayb weyn oo ka mid ah kooxdan.”




















