California: In ka badan 50,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay sun ka daadatay taangiy kiimikada

0
71

50,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay ka dib markii kiimiko sun ah ay ka soo daadatay taangi ama Haan ku yaal xarun lagu sameeyo waxyaabaha hawada sare ee Maraykanka.

Xaruntan oo lagu magacaabo Orange County kuna taal koonfurta California waxa ku jira qiyaastii 7,000 oo gallon oo methyl methacrylate ah, oo ah walax aad u kacsan oo aad u olol badan oo loo isticmaalo soo saarista balaastikada.

Hay’adda Dab-damiska ee Degmada Orange (OCFA) ayaa soo saartay amarkii ugu horreeyay ee daadgureynta aagga ku hareeraysan xarunta Garden Grove galabnimadii Khamiista, ka dib markii la soo sheegay in heerkulka taangigu uu kordhay.

Ilaa maalintaas shaqaalaha gurmadka degdegga ah ee Orange County, California, waxay u shaqanayeen si aan kala joogsi lahayn u shaqeynaya si ay uga hortagaan in daadashadu ay kiciso qarax masiibo ah.

Aagga daadgureynta ayaa la ballaadhiyay, waxaana la baadhayaa sababta keentay daadashada. Taliyaha Hay’adda Dab-damiska ee Orange County Steve Concialdi ayaa u sheegay warbaahinta in “tayada hawadu waa wanaagsan tahay” akhrintuna ay muujinayso xaalado ammaan ah.

Kiimikadan, oo sidoo kale loo yaqaan MMA, ayaa loo isticmaalaa in lagu sameeyo balaastikada waxayna sababi kartaa dhibaatooyin neefsasho, sida laga soo xigtay hay’adda ilaalinta deegaanka.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa soo sheegay astaamo ay ka mid yihiin cunaha iyo cuncunka sanka, iyo sidoo kale wareer.

 

Mas’uuliyiinta OCFA waxay sheegeen in saddex taangi ay ku yaalliin xarunta, mid ka mid ahna uu leeyahay nidaam qaboojin oo cilladaysan.