Tulsi Gabbard ayaa iska casishay shaqadeedii agaasimaha sirdoonka qaranka ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, sida ku cad warqadda iscasilaadda ee lagu daabacay akoonkeeda X.
Warqaddeeda iscasilaadda oo ay u gudbisay Trump, Gabbard waxay u sheegtay Trump inay “aad ugu mahadcelinayso kalsoonida uu siiyey iyo fursadda ay heshay in ay ku hoggaamiyso Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka sannadkii iyo badhkii la soo dhaafay”.
Waxay sheegtay in sababta ay is casishay ay tahay in ninkeeda uu dhowaan laga helay nooc naadir ah oo ah xannuunka kansar lafaha ah.
Trump ayaa sidoo kale ku xaqiijiyay iscasilaadda qoraal uu ku qoray akoonkiisa baraha Bulshada, isaga oo yirdhi, “Nasiib darro, ka dib markii ay qabatay shaqo wanaagsan, Tulsi Gabbard waxay ka tagi doontaa Maamulka 30-ka Juun.”
“Tulsi waxay qabatay shaqo cajiib ah, waanan tabi doonnaa,” ayuu raaciyay.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in ku xigeenka agaasimaha sirdoonka qaranka, Aaron Lukas, uu xilkan u qaban doono si ku meel gaadh ah.
Gabbard waxay ka soo shaqeysay Kongareeska Maraykanka iyada oo ah Dimuqraadi muddo siddeed sano ah, laga bilaabo 2013 ilaa 2021. Waxay bilowday tartan muddo dheer socday oo loogu jiro xilka madaxweynaha sanadka 2020.
Gabbard waxay ka baxday xisbiga Dimuqraadiga, sannadkii 2020-kiina waxay taageertay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo ay aad u dhaleeceyn jirtay.
Waxay tilmaantay ballanqaadyada Trump ee ah in uu soo afjari doono tacaburka
Intii ay hoggaanka haysay, tirada sirdoonka ayaa hoos u dhacday. Markii ay ku dhawaaqday qorshayaal lagu dhimayo shaqaalaha hay’adda ku dhawaad 50% sannadkii hore, waxay sheegtay in hay’addu ay noqotay “kuwo aan waxtar lahayn” labaatankii sano ee la soo dhaafay.





















