Gabiley (Dawan) Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay diyaar u yihiin difaaca guulaha siyaasadeed ee dalku ku tallaabsaday iyo dedaallada aqoonsi raadinta ee xukuumadda Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Cirro ee wadajir iyo waxqabad.
Jeneraal Taani ayaa Madaxweynaha Somaliland ku amaanay waxa uu ku tilmaamay furitaanka “albaabkii ictiraafka” ee muddo dheer ka xidhnaa Somaliland, isaga oo xusay in shacabka iyo haldoorka qaranku ay si buuxda u garab taagan yihiin dedaallada diblomaasiyadeed ee ay dardargelisay xukuumadda Somaliland.
“Madaxweyne, albaabkii ictiraafka ee naga xidhnaa waad noo furtay, annaguna waanu difaacaynaa,” ayuu yidhi Jeneraal Taani. Waxa uu sidoo kale sheegay in bulshada gobolka Gabiley ay taageero buuxda la garab taagan yihiin xukuumadda iyo Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ay diyaar u yihiin ilaalinta midnimada, xasilloonida iyo horumarka dalka.
Hadallada uu jeediyay Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka, Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani, waxay ka tarjumayaan kalsoonida ay hoggaanka iyo shacabka Somaliland ku qabaan jihada siyaasadeed ee dalka. Janaraal Taani waxa uu ammaan u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, isaga oo si cad u muujiyay in bulshada Somaliland ay diyaar u yihiin ilaalinta iyo difaaca guulaha siyaasadeed ee Madaxweynuhu soo hooyay.





















