AfriNews 24: “Somaliland Waxay U Gudubtay Diblomaasiyad Ku Dhisan Cilmi iyo Sharciyad”

0
67

 

Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay baahisay AfriNews 24 ayaa lagu sheegay in falanqeeyayaasha siyaasadda warbaahinta dunidu si weyn u hadal-hayaan tallaabadii taariikhiga ahayd ee uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), intii lagu guda jiray munaasibaddii 18-ka May 2026, xilligaas oo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay hindise cusub oo xambaarsan wejiga cusub ee diblomaasiyadda Somaliland, kaas oo ahaa furitaanka Machadka Aqoonsi raadiska Somaliland.

Sida lagu sheegay warbixinta, go’aanka Madaxweyne Cirro ayaa loo arkaa mid si cad u muujinaya wejiga cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca diblomaasiyadda casriga ah iyo xoojinta ololaha aqoonsi raadinta Somaliland. Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Somaliland ay hadda u guurayso hannaan rasmi ah oo ku dhisan casriyaynta hay’adaha, cilmi-baadhis, sharci, iyo qorshe diblomaasiyadeed oo nidaamsan.

Warbixintan caalamiga ah oo Wargeyska Dawan ka soo xigtay AfriNews 24 ayaa lagu sheegay in machadkani noqon doono xarun cilmi-baadhiseed iyo madal muhiim ah oo door weyn ka qaadan doonta kaydinta taariikhda halganka Somaliland, isla markaana lagu diyaarin doono doodaha sharci, siyaasadeed iyo aqooneed ee lagu taageerayo qadiyadda madax-bannaanida iyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo warbixintu xustay in qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn oo keliya mid ku dhisan dareen shacab iyo cadaalad, balse ay tahay qadiyad leh sal sharciyeed adag iyo taariikh aan la dafiri karin. Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay in machadkani diiradda saari doono daraasado cilmiyeed, diyaarinta qoraallo sharciyeed, xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed, kaydinta taariikhda halganka Somaliland, iyo isku dubbaridka taageerayaasha iyo saaxiibbada caalamiga ah.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in istaraatiijiyadda cusub ee Somaliland ay ku salaysan tahay isku xidhka sharciyadda, cilmi-baadhista, iyo diblomaasiyadda casriga ah, taas oo ka duwan qaabkii hore ee ku koobnaa dareenka waddaniyadeed iyo doodaha taariikhiga ah.

Dhanka kale, waxa lagu sheegay in machadku door muhiim ah ka qaadan doono diiwaangelinta dhacdooyinkii iyo tacaddiyadii shacabka Somaliland soo mareen, si loo ilaaliyo xusuusta qaran iyo xaqiiqooyinka taariikhiga ah ee la xidhiidha halgankii dib-u-soo-noqoshada madaxbannaanida Somaliland.