Soo galootiga Afrikaanka oo ka soo noqonaya Koonfur Afrika

0
52

800 boqol oo muwaadiniin reer Ghana ah ayaa dib loo celiyey dalkooda, waxaanay ka soo kicitimeen Johannesburg subaxnimadii Arbacadii.

Daraasiin basas ah oo ay kireysay safaaradda Ghana ee Johannesburg, ayaa dadka u daad gureeyey garoonka diyaaradaha ee OR Tambo ee abbaare 03:00 waqtiga maxalliga ah (01:00 GMT) Arbacadii.

Waxaa jiray rag, dumar iyo carruur da’ kasta leh. Koox yar oo dad ah ayaa sidoo kale ku timid gaadhi booliis ah.

Daad guraynta ayaa ka dhalatay mowjado dibadbaxyo ah oo looga soo horjeedo soo galootiga oo ka dhacay magaalooyinka Koonfur Afrika toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaanay dadkaasi ka cabsanayaan rabshadahaas oo soo laab-laabtay.

Dad yar oo ka mid ah rakaabkii baxayay ayaa la hadlay saxafiyiinta, laakiin Rudolph, oo ku noolaa Koonfur Afrika muddo 10 sano ah isla markaana maamule ka ahaa goob lagu nasto, ayaa BBC-da u sheegay inuu baxayo sababo la xidhiidha dibadbaxyadii dhawaan dhacay.

“Nabad noo ah inaan halkan sii joogno mar dambe, marka waa inaan tagno. Waxaan u maleynayaa in aanan nabad ku joogi doonin guryahaygii,” ayuu yidhi.

Waxaa jira qiyaastii 25,000 oo reer Ghana ah oo ku nool Koonfur Afrika.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegaya in muhaajiriinta sharci darrada ah ay cadaadis saarayaan adeegyada dadweynaha waxayna ka codsadeen dowladda Koonfur Afrika inay wax badan ka qabato sidii loo joojin lahaa.

Dibadbaxyada waxaa soo qabanqaabiyay koox la yidhaahdo Maarso iyo Maarso, kuwaas oo isku tilmaamay inay yihiin dhaqdhaqaaq ay muwaadiniin ah oo hormuud u ah arrimaha soo galootiga iyo dib-u-habaynta socdaalka.

Waxay dejisay waqti kama dambays ah oo ay muhaajiriinta sharci darrada ah dalka uga bixi karaan 30-ka Juun. Rudolph wuxuu ka walaacsan yahay in waqtiga kama dambayska ah uu horseedi karo rabshado.

“Mudaaharaadyadu waxay ka bilaabmeen Durban, waxayna u gudbeen gobollo kale. Markaa hubaal wax xun ayaa dhici kara.”

Dareenka reer Koonfur Afrika ee la xidhiidha nacaybka muhaajiriinta ayaa salka ku haya shaqo la’aanta, arrimaha ganacsiga iyo nolosha oo adkaatay.

Sannadkii 2019, ugu yaraan 12 qof ayaa la dilay, sannadkii 2008-diina, 62 qof oo ajaanib ah ayaa ku dhintay weerarro lagu qaaday ajaanibta dalka oo dhan.

Laakiin qabanqaabiyeyaasha dibadbaxyadii dhawaan dhacay ayaa sheegay inay ahaayeen kuwo nabdoon.

Horraantii bishan, dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareysay falalka dambiyada ah ee loo geysanayo ajaanibta, iyada oo qiratay in dalka loo baahan yahay inuu wax ka qabto socdaalka sharci darrada ah.