Heshiiska is-afgaradka ee ay ka wada xaajoonayaan Iiraan iyo Maraykanka ayaa ku baaqaya in ciidamada militariga Maraykanka ay ka baxaan agagaarka Iiraan isla markaana ay qaadaan xayiraadda saaran dekedaha Iiraan, sida lagu sheegay warbixin laga sii daayay telefishanka dowladda Iiraan.
“Taa beddelkeeda, Iiraan waxay ballanqaaday inay dib u furayso ganacsigii gacanka Hormuz ay tirada maraakiibta ka gudbaysa ay ku soo celin doonto heerkii dagaalka ka hor hal bil gudaheed,” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Maamulka iyo wadada gaadiidka badda ee marin biyoodka mara waxaa maamuli doona Iiraan oo kaashanaysa Cumaan, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Iiraan ee IRIB. Maraakiibta militariga ayaa laga reebay qorshahan, siday sheegtay.
IRIB waxaa loo arkaa inay hoggaamiyaan kooxo mayal adag oo ka tirsan maamulka Iiraan.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in qaab-dhismeedka heshiiska aan weli la dhammaystirin, isla markaana aan wax tallaabo ah laga qaadi doonin Tehran iyada oo aan la helin “xaqiijin la taaban karo.” Wadahadalladu waxay “hadda u socdeen dib iyo dib, iyada oo labada dhinacba ay sifeeyeen qoraalka qabyada ah.”
Haddii heshiis kama dambays ah la gaadho 60 maalmood gudahood, qoraalka waxaa lagu ansixin doonaa qaab qaraar ah oo Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, sida ay sheegtay.
Qoraalkan, ayaa loo arkaa inuu yahay qorshe loogu talagalay wadahadallada mustaqbalka ee lagala xaajoonayo dhexdhexaadinta Bakistaan.
Laakiin aqalka cad ayaa warbixinnada warbaahinta dawladda Iiraan ee ku saabsan qabyo-qoraalka heshiiska is-afgaradka ku tilmaamay “been-abuur dhammaystiran.”
“Warbixintan ka soo baxday warbaahinta Iiraan ay maamusho ma ahan mid run ah, heshiiska ay ‘sii daayeen’ waa been abuur dhammaystiran. Qofna waa in aanu rumaysan waayo waxa warbaahinta dawladda Iiraan ay soo bandhigayso”, ayaa lagu qoray akoonka Rapid Response ee Aqalka Cad ee X.





















