Hargeysa (Dawan) Maayirkii hore ee Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa qaaday tallaabo geesinimo leh oo muujinaysa bisayl siyaasadeed, daacadnimo, mas’uuliyad, iyo ixtiraam uu u hayo ballanqaadyadii siyaasadeed ee u dhexeeyay isaga iyo shacabka. Mudane Cabdikariin Axmed Mooge ayaa shalay ku dhawaaqay inuu baneeyay xubinimadii Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, isaga oo si rasmi ah u fuliyay ballan iyo mabda’ siyaasadeed oo uu muddo dheer ku taagnaa.
Go’aanka uu Cabdikariim Axmed Mooge, ku baneeyey xubinimadii Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa waa tallaabo xambaarsan farriin siyaasadeed oo ku dhisan mabda’, isla xisaabtan iyo ilaalinta kalsoonida shacabka. Sidoo kale waa tallaabo si cad u muujinaya in hoggaaminta dhabta ahi aanay ahayn oo keliya xil hayn, balse ay ku dhisan tahay mabda’, daacadnimo iyo oofinta ballanqaadyada lala galay shacabka. Tallaabadani waxay xoojinaysaa nidaamka dimuqraadiyadeed, isla markaana waxay noqoneysaa tusaale lagu dayan karo oo ku saabsan hoggaamin hufan oo ka turjumaysa masuuliyad iyo ixtiraam shacabka.
Siyaasadda casriga ahi waxay qiime gaar ah siisaa hoggaamiyaha ilaaliya ballanqaadyadii uu shacabka u sameeyey. Marka masuul xil haya uu doorbido inuu muhiimadda koobaad siiyo oo uu danihiisa siyaasadeed ka hormariyo danaha qaranka, mabda’iisa siyaasadeed iyo ballanqaadyadii uu u sameeyay shacabka, waxa ay taasi xoojinaysaa aaminaadda dadweynaha iyo kalsoonidooda ku salaysan hufnaanta nidaamka dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland qaadatay.
Sidoo kale, go’aanka Cabdikariim Axmed Mooge oo guud ahaan bulshada reer Somaliland ay si weyn u soo dhaweeyeen, wuxuu muujinayaa sida ay muhiim u tahay masuuliyiinta iyo hoggaamiyayaasha lagu doorto codka shacabku in ay ixtiraamaan muddada loo igmaday in ay xilalka hayaan, isla markaana ay ka dhabeeyaan ballanqaadyada ay shacabka la galeen. Sidoo kale tani waxay tusaale u noqon kartaa dhaqan siyaasadeed ee ku dhisan daahfurnaan, masuuliyad iyo ilaalinta kalsoonida codbixiyayaasha.
Guntii iyo gabagabadii, Bulshada reer Somaliland waxay mar kasta xusuusnaan doonaan go’aankan geesinimada leh ee uu qaatay Cabdikariin Axmed Mooge, iyada sida masuuliyadda leh ee uu uga dhabbeeyay ballantii uu la galay muwaadiniinta Somaliland. Sidoo kale, tallaabadan taariikhiga ah waxay qayb ka noqon doontaa dhaxalka siyaasadeed ee lagu xasuusan doono ixtiraamka mabda’a iyo dhawrista ammaanada shacabka.





















