Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay baahisay warbaahinta AN 24 ayaa soo bandhigtay kaalinta istaraatiijiga ah ee sii xoogaysanaya ee Dekedda Berbera, iyo doorkeeda muhiimka ah ee isku xidhka ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha ee adduunka, gaar ahaan qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika iyo sidas ay u soo jiidanayso xiisaha maalgashadayaasha waaweyn ee caalamka. Warbaahinta ayaa sheegtay in wafdi ballaadhan oo isugu jira maalqabeenno iyo maalgashadayaal ka socda dalka Imaaraadka Carabta (UAE) ay dhawaan booqdeen Dekedda Berbera si ay u qiimeeyaan fursadaha maalgashi ee ka jira ganacsiga badda, saadka, kalluumaysiga iyo adeegyada kale ee la xidhiidha dhaqaalaha badda.
Sida lagu sheegay warbixintan oo Wargeyska Dawan soo xigtay, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay socdaan mashaariic ballaadhan oo lagu casriyeynayo laguna ballaadhinayo adeegyada Dekedda istaraatiijiga ah ee Berbera, kuwaas oo ay hormuud ka tahay shirkadda DP World. Sidoo kale waxa lagu xusay in horumarkani uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo doorka Dekedda Berbera oo ah marin ganacsi oo istiraatiiji ah oo isku xidha Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka.
Waxa kale oo ay warbixintu sheegtay in weftigan maalgashadayaasha ahi ay booqdeen qaybaha kala duwan ee dekedda, halkaas oo masuuliyiinta Hay’adda Dekedaha Somaliland ay ku soo bandhigeen adeegyada dekedda, hawlaha saadka iyo qorshayaasha horumarineed ee ka socda. Sidoo kale, waxay kormeereen dekedda kalluumaysiga ee Berbera iyo xarumaha casriga ah ee lagu keydiyo kalluunka, si ay u qiimeeyaan fursadaha maalgashi ee ka jira warshadaha kalluumaysiga iyo adeegyada kale ee la xidhiidha dhaqaalaha badda.
Warbixinta AN 24 oo soo xiganaysa Masuuliyiinta Hay’adda Dekedaha Somaliland ayaa sheegtay in Dekedda Berbera ay si isa soo taraysa uga dhex muuqanayso tartanka dekedaha muhiimka ah ee gobolk. Sidoo kale waxay tilmaantay in Dekedda Berbera ay ku taallo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan ee ganacsiga caalamiga ah iyo isu socodka Maraakiibta qaada badeecadaha ganacsiga adduunka.
Sidoo kale warbixinta ayaa iftiimisay in Xukuumadda Somaliland ay si weyn u soo dhoweynayso maalgashi kasta oo caalami ah, kaas oo ka qayb qaadan kara kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta isku xidhka ganacsiga gobolka iyo caalamka. Sida ay xustay warbixintu madaxda Somaliland ayaa iftiimiyay in Dekedda Berbera ay leedahay awood ballaadhan oo ay ku noqoto xarun ganacsi iyo saad oo heer caalami ah, gaar ahaan iyadoo la tixgelinayo xidhiidhka ay la leedahay marinka Berbera Corridor ee isku xidha Somaliland iyo Itoobiya.
Warbixintan caalamiga ah ee ay baahisay warbaahinta AN 24 ayaa lagu soo gabagabeeyay in booqashadan heerka sare ah oo loo qaaday dhinaca horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland, loo loo arko tallaabo muhiim ah oo muujinaysa kalsoonida sii kordhaysa ee maalgashadayaasha caalamiga ah ay ku qabaan fursadaha dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee ay leedahay Dekedda Berbera iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.





















