Somaliland oo Xoojinaysa Ka Hortagga Cudurrada Faafa iyo Badbadada Bulshada

0
45

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Wasaaradda Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud, ayaa mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta caafimaadka bulshada iyo xoojinta dadaallada lagaga hortagayo cudurrada faafa ee halista ku ah caafimaadka dadweynaha. Iyada oo si weyn u xoojisay wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta caafimaadka ee ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta caafimaadka bulshada.

Kulankii ugu dambeeyey ee ay Wasaaraddu qabatay ayaa lagaga hadlay diyaar-garowga iyo xoojinta heeganka qaranka ee ka hortagga cudurka halista ah ee Ebola, kaas oo mar kale dib uga dillaacay qaybo ka mid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), isla markaana sababay dhimasho iyo dhibaatooyin caafimaad oo baahsan. Sidaa darteed tallaabadan ay qaaday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waxay si cad u muujinaysaa doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso sugidda caafimaadka bulshada iyo ka hortagga khataraha caafimaad ee soo wajihi kara dalka.

Kulan hawleedkan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista heerka diyaargarowga qaranka, xoojinta hababka ogaanshaha hore ee cudurrada faafa, iyo dardargelinta iskaashiga hay’adaha ay khusayso arrimaha caafimaadku. Tallaabooyinkan ayaa ka tarjumaya dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda iyo sida ay uga go’an tahay gudashada masuuliyadda qaran ee ilaalinta caafimaadka muwaadiniinta iyo adkaynta awoodda dalka ee ka hortagga iyo ka jawaabista xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.

Dhinaca kale, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa muujisay dadaal muuqda oo lagaga hortagayo xanuunnada ay gudbiso kaneecadu, gaar ahaan Xumadda (Dengue Fever iyo Kuduudiyaha.) Wasaaradda ayaa si rasmi ah u bilawday olole allaadhan oo lagaga hortagayo xanuunkan. Ololahan oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Wasaaradda, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, iyo Agaasimaha Guud, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa isugu jira buufinta guryaha iyo wacyigelin ballaadhan oo bulshada lagu baraarujinayo sidii loo cidhib-tiri lahaa goobaha biyuhu fadhiistaan ee ay kaneecadu ku taranto.

Tallaabadan ayaa ka tarjumaysa sida ay Wasaaraddu mudnaanta u siinayso ka hortagga cudurrada faafa ee halista ku ah caafimaadka iyo nolosha bulshadas, ka hor inta aanay dhibaatooyin caafimaad oo baahsan sababin. Sidoo kale, waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo hay’adaha caafimaadku si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta caafimaadka guud ee dalka.