Xukuumadda oo Dedaal Badan Gelisay Xeer Muhiimad u leh Koboca Dhaqaalaha Dalka

0
67

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Sheekh Maxamed Buraale, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (Public-Private Partnership PPP), isaga oo ku tilmaamay xeer saldhig u ah xoojinta dawladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalka.

Wasiirka oo mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland warbixin ka siinayey mashruuca sharci ee xeerkan, ayaa xusay in maalgashadayaasha iyo shirkadaha caalamiga ahi ay muhiimad gaar ah siiyaan jiritaanka hannaan sharciyeed oo si cad u qeexaya iskaashiga ka dhexeeya dawladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Taasina ay tahay sababta xukuumadda Somaliland ay tacabka iyo dedaalka badan u gelisay hindisaha xeerkan.

Mudane Siciid Sheekh Maxamed Buraale ayaa tilmaamay in su’aalaha ugu badan ee ay maalgashadayaasha caalamiga ahi u soo bandhigaan ay ka mid tahay in dalku leeyahay xeer hagaya iskaashiga dawladda iyo ganacsatada, maadaama sharciyadani ay laf-dhabar u tahay kalsoonida iyo dammaanad-qaadka maalgashi kasta oo la fulinayo. Waxaanu yidhi “Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatadu waxa uu ka turjumayaa dawladnimadeenna iyo bisaylkeenna siyaasadeed.”

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu caddeeyey in xeerkani door muhiim ah ka qaadan doono dardargelinta koboca dhaqaalaha dalka, soo jiidashada maalgashiga shisheeye iyo abuurista jawi ganacsi oo ku dhisan hufnaan, isla xisaabtan iyo nidaam waafaqsan heerarka caalamiga ah. Tani waxay horseedi kartaa in Somaliland noqoto meel soo jiidata maalgashiyo waaweyn oo gacan ka geysta horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kordhinta fursadaha shaqo-abuurka iyo xoojinta koboca dhaqaale ee dalka.