Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu ka laabto hoggaankiisa Xarunta Farshaxanka ee John F Kennedy, ka dib markii garsoore federaal ah uu go’aamiyay in magaciisa aanu ku qornaan karin dhismaha.
Jimcihii, qoraal ka kooban 580 eray oo, uu Trump soo dhigay bartiisa loo yaqaano True Social wuxuu ku dhaleeceeyay Garsoore Christopher Cooper inuu yahay mid aan taxaddar lahayn. Waxa kale oo uu xarunta fanka ee Kennedy Center dhisme muuqaal ahaan burburay oo uu isaga oo kaliyi soo celin karo.
Trump waxaa uu Garsoore Cooper ku tilmaamay Xagjir dhinaca bidixda ah, waxaana uu ku tilmaamay qof joojiyey, qof samayn lahaa faani karo. Sidaa uu ku sheegay qoraalkiisa.
Xarunta Kennedy, oo ah xarun faneed qaran oo ku taal Washington, DC, ayuu ku daray magasiisam hore xarunta magaceedu waxay ahayd( The John F. kennedy memorial center for the performing arts), markii uu ku daray magaciisa waxay noqotay ( The Donald Trump and The John F. kennedy memorial center for the performing arts), waxaana ka dhashay muran bilowgiiba.
Dhismaha waxa la bilaabmay 1964, wax yar ka dib markii la dilay Madaxweyne John F Kennedy.
Sannadkii la dilay, Lyndon B Johnson oo ahaa madaxweynihiii beddelay, ayaa saxiixay sharci ah oo ka soo baxay Kongareeska kaas oo amrayey goobta looga dhigo “xusuus nool” oo loogu talagalay hoggaamiyihii la dilay.
Laakiin tan iyo markii uu bilaabay muddo xilleedkiisii labaad, Trump wuxuu doonay inuu dib u qaabeeyo Washington DC, isaga oo muuqaalkiisa ku daray goobo hore u jiray, inuu fuliyo mashaariic dhisme iyo inuu taago boodhadh sawirkiisa leh.
Toddobaadyo gudahood markii la caleema saaray, bishii Febraayo 2025, wuxuu shaqada ka eryay xubnaha Dimuqraadiga ee guddiga labada xisbi ee Kennedy Center, wuxuuna ku beddelay xubnihii uu u soo xushay.
Wuxuu sidoo kale wuxuu shaqada ka joojiyay gudoomiyihii muddada dheer ee xarunta Mr Deborah Rutter. Ka dib guddigii uu keendaya waxay si degdeg ah u doorteen Trump inuu noqdo guddoomiyaha.
Laakiin qaar ka mid ah dhaleeceynta ugu weyn ayaa timid bishii Diseembar, markii guddigu uu tallaabo dheeraad ah qaaday oo uu u codeeyay in dhismaha loogu magac daro “Xarunta Xusuusta Donald J Trump iyo Xarunta Farshaxanka ee John F Kennedy”.
Maalin gudaheed, shaqaalaha dhismaha ayaa lagu arkay bannaanka xarunta farshaxanka, iyagoo magaca Trump ku daray bannaanka dhismaha.
Dadka dhaliila ayaa isla markiiba cambaareeyay dadaalkaas iyaga oo ku tilmaamay mid jebinaya sharcigii 1964, iyada oo aan la xusin calaamad muujinaysa ixtiraam darro loo jeediyay Kennedy-kii geeriyooday.
Iyadoo ay jirto cadaadis dadweyne iyo baajinta taxanaha ah ee ka imanaya fannaaniinta, Trump ayaa bishii Febraayo ku dhawaaqay inuu xiri doono xarunta farshaxanka muddo laba sano ah , laga bilaabo bisha Luulyo. Wuxuu soo hadal qaaday in dib-u-habayntu ay tahay sababta uu u xidhayo si lama filaan ah.
Wakiil ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka Joyce Beatty, oo ah wakiil ka tirsan Xarunta Kennedy Center, ayaa dacweysay si loo joojiyo xidhitaanka. Waxay sidoo kale codsatay in magaca Trump laga saaro.
Xukunka Garsoore Cooper, wuxuu amray in magaca Trump laga saaro wajiga tiyaatarka, iyo sidoo kale wixii kale ee calaamado ama agab rasmi ah, muddo 14 maalmood gudahood ah, isaga oo soo xiganaya sharcigii 1964.
“Qaynuunka dabiiciga ah ee Xarunta Kennedy wuxuu si cad u caddeynayaa in Xarunta loogu magac dari doono Madaxweyne Kennedy, mana qaadi karto magac kale oo rasmi ah ama xusuus dadweyne oo ku salaysan hadalka Guddiga,” Cooper ayaa qoray.





















