Xukuumada oo Maamuustay Mudane Hoggaamiya Ololaha Aqoonsiga JSL ee Baarlamaanka Dalka Sweden

0
88

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maamuusay Xildhibaan Magnus Oscarsson, oo ah mudane hoggaamiya in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Sweden, kuwaas oo taageera qaddiyadda aqoonsiga iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Maamuuskan ayaa muujinaya mahadnaqa doorka uu Xildhibaanku ka qaatay kor u qaadista fahamka iyo taageerada qaddiyadda Somaliland ee fagaarayaasha siyaasadeed ee dalka Sweden.

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden Danjire Sakariye Xasan Wacays ayaa guddoonsiiyay Xildhibaan Magnus Oscarsson, shahaado shafar uu u soo wakiishay wasiirka arrimaha dibada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Aadan Daahir Bakaal, taas oo ah tallaabo ay xukuumaddu ku muujinayso mahadnaq iyo qadarinta doorkiisa shariifka ah ee u ololaynta qaddiyadda madax-bannaanida iyo aqoonsiga Somaliland.

Abaalmarintan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland guddoonsiiyey Xildhibaan Magnus Oscarsson waxay ka tarjumaysaa qiimaha ay Somaliland siiso saaxiibbada caalamiga ah ee taageera qaddiyaddeeda siyaasadeed iyo himilada aqoonsiga caalamiga ah. Xildhibaanka, oo hormuud u ah koox ka kooban in ka badan 80 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Sweden kuwaas oo taageera aqoonsiga iyo madaxbannaanida Somaliland, ayaa muddo dheer ka shaqaynayey kor u qaadista fahamka qadiyadda Somaliland iyo xaqiiqooyinka ka jira Geeska Afrika.

Tallaabadani maaha oo keliya mid lagu maamuusayo shaqsi gaar ah, balse waa farriin muujinaysa muhiimadda ay leedahay diblomaasiyadda ku dhisan wada-shaqaynta, isfahamka iyo saaxiibtinimada caalamiga ah. Taageerada xubnaha Baarlamaanka Sweden waxay tusaale u tahay sida ay Somaliland ugu guulaysatay inay dunida gaadhsiiso guulaheeda la xidhiidha nabadda, dimuqraadiyadda iyo dhismaha hay’adaha dawliga ah. Sidoo kale, waxay muujinaysaa sida qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay u sii xoogaysanayso, isla markaana ay si isa-soo-taraysa u helayso codad iyo taageero ka baxsan xuduudaha gobolka.