Hargeysa (Dawan) Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Aadan Cige Dayr, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland muddo ka badan 35 sano ay dunida u muujisay nabad, xasillooni, dimuqraadiyad iyo hay’ado dowladeed oo shaqaynaya.
Afhayeenka Madaxweynaha ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X wuxuu xusay in Somaliland mudadaas ku guulaysatay ilaalinta amniga, qabashada doorashooyin dimuqraadi ah, dhismaha hay’ado dawladeed oo isla xisaabtan leh iyo sugidda kala dambayn bulsho iyo mid siyaasadeed, kuwaas oo ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee lagu garto dowladnimo dhab ah.
Afhayeenku wuxuu tilmaamay in taas badalkeeda ay Soomaaliya wali wajahayso dhibaatooyin is biirsaday oo ay ka mid yihiin amni darro, argagixiso, khilaaf siyaasadeed, barakac iyo colaado soo noqnoqda, kuwaas oo si joogto ah u wiiqaya xasilloonida iyo awoodda hay’adaha dowladda.
Dhanka kale, afhayeenku waxa uu xusay in Ku-xigeenka Safiirka Maraykanka, Mudane Justin Davis, uu shalay booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana uu ku tilmaamay dal nabdoon, xasilloon oo nidaamsan, isagoo galabtana dib ugu laabtay Soomaaliya oo uu sheegay inay weli la daalaa-dhacayso colaado, dhiig daata iyo barakac baahsan, iyadoo dhaqdhaqaaqa diblomaasiyiintuna si weyn ugu xaddidan yahay gudaha xerada Xalane.
Ugu dambayn, Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay dib u eegis dhab ah ku samayso xaqiiqooyinka ka jira Geeska Afrika, isla markaana qiimayso cidda dhab ahaan buuxisay shuruudaha dowladnimo, nabad iyo maamul wanaag.




















