Warbixinno Caalami ah oo Somaliland Ku Amaanay Adkaysi iyo Wada-jir

0
92

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah iyo xarumaha daraasaadka siyaasadda ee adduunka ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn uga faalloonayey horumarka, xasilloonida iyo hannaanka dawladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo ku tilmaamay Somaliland Jasiirad xasilloon oo ka dhex ifaysa gobolka Geeska Afrika, halkaas oo inta badan ay ka jiraan colaado iyo xasillooni-darro siyaasadeed.

Sidoo kale, Daraasadaha caalamiga ah waxay muujinayaan awoodda bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ay ku tilmaameen tusaale dhif iyo naadir ah. Waxa si gaar ah loo xusay isku-tashiga bulshada Somaliland iyo adkaysiga ay kaga gudbeen burburka iyo colaadaha inta badan ragaadiyay gobolka Geeska Afrika, iyo sida ay u dhisteen nabad, dawladnimo iyo nidaam dimuqraadi ah oo ku saleysan wada-tashi iyo heshiis bulsho, iyagoo aan helin taageero caalami ah.

Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee lagu ammaanay Somaliland waa kalsoonida ka dhaxaysa shacabka iyo hay’adaha amniga. Arrintan ayaa lagu tilmaamaa laf-dhabarta xasilloonida dalka, maadaama ay door muuqda ka qaadatay sugidda amniga iyo ilaalinta nabadda. Daraasadaha iyo warbixinaha caalamiga ah ayaa tilmaamay in kalsoonidaasi ay sababtay in magaalooyinka waaweyn ay noqdaan meelaha ugu xasiloon gobolka, isla markaana ajaanibta iyo dadka deegaanku ay si xor ah ugu dhex lugayn karaan habeen iyo maalin, iyagoo ku naaloonaya jawi amni, xasillooni iyo isku halayn bulsho.

Dhinaca kale, warbixinnada iyo daraasaadka laga qoray Somaliland ayaa si weyn u ammaanay hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, iyaga oo ku tilmaamay mid daah-furan, bisil, isla markaana soo jiitay indhaha caalamka. Doorashooyinka joogtada ah ee Somaliland ayaa lagu tilmaamay kuwo xor iyo xalaal ah, oo ay si daah-furan ugu loolamaan xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan, taas oo ah astaan muujinaysa bisayl siyaasadeed, ka-qaybgal bulsho iyo ixtiraamka nidaamka dimuqraadiyadeed.

Arrinta sida gaarka ah u soo jiidata warbaahinta iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ah habka nabdoon ee hoggaanka sare iyo madaxda dalku ay xilalka ugu kala wareegaan marka natiijooyinka doorashooyinku soo baxaan. Taas oo warbaahintu xustay in ay si cad uga turjumayso ixtiraamka rabitaanka codbixiyeyaasha iyo ku dhaqanka sharciga, taas oo Somaliland ka dhigtay tusaale bogaadin mudan oo ka dhex muuqda dalal badan oo gobolka iyo qaaraddaba ah.

“Sanadihii ugu dambeeyey, dhaqaalaha Somaliland waxa uu muujiyey koboc la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, adeegyada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Dekedda Berbera ayaa noqotay astaanta ugu weyn ee horumarka dhaqaale, iyada oo noqotay xarun muhiim u ah ganacsiga iyo saadka gobolka Geeska Afrika.” ayaa lagu yidhi Warbixin caalami ah oo wargeyska Dawan soo xigtay.

Sidoo kale, ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Somaliland ayaa lagu tilmaamay mid firfircoon, gaar ahaan shirkadaha isgaadhsiinta iyo xawaaladaha oo noqday kuwa ugu horumarsan gobolka. Sidoo kale warbixinaha ayaa Somaliland ku sheegay in ay tahay hormuudka maaliyadda Dhiijitaalka ah, iyaga oo iftiimiyay sida nidaamyada maaliyadeed ee casriga ah ay u fududeeyeen ganacsiga, adeegyada iyo macaamilka maalinlaha ah ee bulshada Somaliland.

Gunaanad

Somaliland waxay dunida u soo bandhigtay tusaale muujinaya in nabad, dimuqraadiyad iyo horumar lagu gaadhi karo isku-tashi, wadajir iyo hoggaan bulsho. Sidaa darteed, sawirka guud ee ay warbaahinta iyo falanqeeyayaasha caalamigu ka bixinayaan Somaliland waxa lagu tilmaami karaa “Sheeko Guul u ah dhamaan qaaradda Afrika. Sheeko ka tarjumaysa adkaysi, wadajir iyo himilo horumarineed oo ay bulshadu hormuud u tahay.