FIFA Oo Go’aan Ka Soo Saartay Garsooraha Soomaaliga ah ee Cumar Cartan

0
105

FIFA ayaa xaqiijisay in Omar Cabdulqaadir Cartan aanu ka garsoori kari Koobka Adduunka kadib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka.

Garsoorahan Soomaaliga ah ayaa ka mid ah garsoorayaasha ugu sumcadda badan Afrika. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Cartan uu u safray isagoo sita fiise (visa) sax ah oo Mareykan ah.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay ku jirtaa liiska dalalka ay saaran tahay xayiraadda socdaalka ee uu soo rogay maamulka Madaxweyne Trump.

FIFA ayaa tidhi “FIFA kuma lug laha habraacyada socdaalka ee dalka martigelinaya, oo ay ku jiraan go’aammada la xidhiidha bixinta fiisayaasha. Waxaa naloo sheegay in mas’uuliyiintu ay caddeeyeen in xaaladda Mr. Cartan aan wax isbeddel ah lagu samayn doonin waqtigan. Sida dhacday tartamadii hore ee FIFA, dowladda dalka martigelinaya ayaa ugu dambayn go’aamisa cidda la siinayo fiisaha iyo cidda loo oggolaanayo inay dalka soo gasho.