Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey ee ku sugan dalka Israa’iil, ayaa shalay oo ahayd maalintii koowaad ee booqashadooda rasmiga ah ku tegay saddex goobood oo taariikhi ah oo muhiimad gaar ah u leh dalka iyo shacabka Israa’iil.
- Mount Herzl
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa booqday goobta taariikhiga ah ee Mount Herzl, halkaas oo uu dhigay xidhmo ubax ah si uu u muujiyo xushmad iyo qaddarin. Mount Herzl waa buur taariikhi ah oo ku taalla galbeedka magaalada Jerusalem (Qudus), waxaana loo aqoonsan yahay mid ka mid ah astaamaha ugu waaweyn ee taariikhda iyo dawladnimada Israa’iil.
Sidoo kale, goobtan taariikhiga ah waxa ku yaalla qabuuraha Madaxweynayaal iyo Raysal-Wasaareyaal hore iyo dad badan oo magac, xus iyo xasuus Qaran ku leh dalka iyo dadka reer Israa’iil. Madaxweynaha Jamhuuriadda Somaliland waxa goobtan taariikhiga ah ku soo dhaweeyey Mr. Yaakov Hagoel oo ah Guddoomiyaha Ururka Yuhuudda Dunida.
Madaxweynaha waxa goobtan taariikhiga ah ku soo dhaweeyey Mr. Yaakov Hagoel oo ah Guddoomiyaha Ururka Yuhuudda Dunida.
- Xarunta Yad Vashem
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Xarunta Taariikhiga ah ee YAD VASHEM (World Holocaust Rememberence Center) ee magaalada Jerusalem, oo ah goobta ugu weyn ee lagu xuso laguna kaydiyo xusuusta dhibbanayaashii Holocaust-ka, halkaasi oo Madaxweynaha Somaliland uu ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xarunta, Mudane Dani Dayan.
Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta Yad Vashem ka dhagaystay warbixinno ku saabsan dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee sababay mid ka mid ah xasuuqii iyo isir-tirtirkii ugu waaweynaa ee soo mara taariikhda aadamaha ee qarnigii labaatanaad.
- Groves of Nations
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa booqasho ku tagay Goobta Taariikhiga ah ee Groves of Nations, halkaasi oo uu ku beeray Geed Astaan Qaran ah oo ka tarjumaya saaxiibtinimo, wada-shaqayn iyo xidhiidh waara oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israa’iil.
Geedkan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku beeray goobtan taariikhiga ah, ayaa ah mid muujinaya raad nololeed oo sii jiraya xitaa marka safarku dhammaado. Waxa uu u taagan yahay calaamad iyo astaan saaxiibtinimo oo taariikhi ah oo sii xoojinaysa xidhiidhka labada dhinac.




















