Reuters: “Somaliland oo Ka Adkaatay Cadaadiska iyo Siyaasadda Shiinaha!!”

0
116

 

Taipei (Dawan) Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay muujisay karti iyo awood ay kaga gudubtay cadaadiska iyo xeeladaha diblomaasiyadeed oo ka imanayay dowladda Shiinaha. Warbixintu waxay xustay in Beijing ay ku guul-darraysatay inay joojiso ama wax ka beddesho saaxiibtinimada sii xoogeysanaysa ee u dhaxaysa Hargeysa iyo Taipei.

Warbixinta Reuters oo Wargeyska DAWAN soo xigtay, sidoo kale waxay sheegtay in Somaliland ay si weyn u xoojisay xidhiidhkeedas diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Taiwan, iyada oo labada dhinac lagu tilmaamay saaxiibo istiraatiiji ah oo iska kaashada waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo horumarinta maamulka. Sidas lagu sheegay warbixinta xidhiidhkan ayaa tan iyo sanadkii 2020 horseeday fursado ay ka mid yihiin tababaro, deeqo waxbarasho, iskaashi tiknoolajiyadeed iyo fursado maalgashi.

Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay in xukuumadda Somaliland ay ku adkaysatay xaqa ay u leedahay inay doorato xidhiidhkeeda caalamiga ah iyo cidda ay la yeelanayso iskaashiga ku dhisan dan-wadaagga. Waxa kale oo lagu xusay in cadaadiska ka imanaya Beijing iyo Muqdisho aanay joojin dedaaladda xukuumadda Somaliland ku ballaadhinayso xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo hawl-gallada ay ku sii xoojinayso doorkeeda caalamiga ah.

Sida lagu sheegay warbixintan, Safiirka Somaliland ee Taiwan, Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, oo ka hadlay munaasabadda furitaanka xafiiska cusub, ayaa sheegay in cadaadiska siyaasadeed ee Beijing aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin xidhiidhka labada dhinac. Wuxuu yidhi: “Waxaannu xaq u leenahay inaannu dooranno cidda aannu xidhiidh la yeelanayno. Taasi waa xuquuqdayada, sidaas darteed cadaadiska ka imanaya Beijing iyo Muqdisho kuma guulaysan inay beddelaan saaxiibtinimada Hargeysa iyo Taipei.”

Sidoo kale Reuters waxay soo xigatay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Taiwan, Francois Wu, isla markaana ah ku simaha wasiirka arrimaha dibadda ee Taipe, isaga oo sheegay in Taiwan iyo Somaliland ay yihiin laba astaan oo muujinaya dimuqraadiyad, xorriyad iyo ku dhaqanka sharciga. Wuxuu intaas ku daray in iskaashiga labada dhinac uu si weyn u ballaadhay lixdii sano ee la soo dhaafay. Waxaanu yidhi “Taiwan iyo Somaliland, labaduba waa calaamad muujinaysa dimuqraadiyadda, xorriyadda iyo xukunka sharciga ku dhisan.