Koobka Adduunka 2026 wuxuu calaamad u noqon doonaa dhammaadka xilli weyn oo kubbada cagta ah.
Halyeeyo badan oo sannado badan shaashadaha inooga muuqday ayaa hadda ku jira ciyaarahoodii ugu dambeeyay ee Waqooyiga Ameerika.
- Manuel Neuer
Goolhayaha Jarmalka Manuel Neuer ayaa la filayaa inuu si rasmi ah uga fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah kadib Koobkan Adduunka. Wuxuu hore u macasalaameeyay xulka Jarmalka laba sano ka hor, balse dhaawaca Marc-André ter Stegen ayaa keenay in tababare Julian Nagelsmann uu ugu yeedho hal mar oo ugu dambeysa.
- Guillermo Ochoa
Halyeeyga Mexico Guillermo Ochoa ayaa qorsheynaya inuu gabi ahaanba ka fadhiisto kubbadda cagta marka tartanka koobka adduunku soo dhammaado. Wuxuu ka qeyb galay lix Koob Adduun, rikoodh uu la wadaago Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Koobkan oo lagu qabtay dalkiisa ayaa noqon doona macasalaamadiisii ugu dambeysay.
- Craig Gordon
Goolhayaha Scotland Craig Gordon oo 43 jir ah ayaa ah ciyaaryahanka ugu da’da weyn tartankan. Wuxuu hore uga fadhiistay kubbadda muddo laba sano ah sababo dhaawac awgood, balse dib ayuu ugu soo noqday. Hadda waxaa la filayaa inuu si rasmi ah uga fadhiisto marka safarka Scotland ee Koobka Adduunka uu dhammaado.
- Luka Modrić
Kabtanka Croatia Luka Modrić ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka fadhiisto kubbadda cagta kadib tartankan. Modrić oo 41 jir noqonaya sanadkan ayaa ku guuleystay wax walba oo waaweyn oo kubbadda cagta ah, waxaana la sheegay in Florentino Pérez uu shaqo uga sii diyaariyay Real Madrid marka uu ciyaaraha joojiyo.
- Yūto Nagatomo
Difaacii hore ee Inter Milan, Yūto Nagatomo, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Japan ee lagu daro shan koob adduun oo kala duwan. Inkastoo laga yaabo inuu sii ciyaaro heerka kooxaha, waxaa la filayaa inuu ka fadhiisto xulka Japan.
- Edin Džeko
Weeraryahanka Bosnia Edin Džeko oo 40 jir ah ayaa la filayaa inuu macasalaameeyo xulkiisa kadib Koobkan Adduunka. Waa ciyaaryahanka ugu safashada badan uguna goolasha badan taariikhda Bosnia, waxaana loo arkaa ciyaaryahankii ugu weynaa ee dalkiisa soo mara.
- Neymar
Xiddiga Brazil Neymar ayaa sidoo kale loo arkaa inuu ku jiro “ciyaartiisii ugu dambeysay”. Dhaawacyo badan ayaa saameeyay sanadihii dambe ee xirfaddiisa, waxaana la filayaa inuu ka fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah kadib tartankan. Waxa kale oo suuragal ah inuu gabi ahaanba ka fadhiisto kubbadda cagta.
Messi iyo Ronaldo?
Warbixintu waxa ay si ula kac ah uga tagtay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, maadaama dadku marar badan sheegeen inay ka fadhiisan doonaan Koobabkii Adduunka ee 2018 iyo 2022, balse ay weli sii ciyaarayaan. Sidaas darteed lama hubo goorta ay si rasmi ah u joojin doonaan kubbadda cagta.




















