Mashruuca Qoolcaday Oo Loo Dardar-gelinayo Horumarinta Deegaanka Salaxley

0
51

Degmada Salaxley ee Gobolka Maroodi-jeex waxa gaadhay wefdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Mudane Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar), kaas oo ka qayb-galay furitaanka kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayo hirgelinta Mashruuca Qoolcaday.

Kulankaas oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), ayaa lagu lafo-guray qorsheyaasha horumarineed ee mashruuca iyo doorka bulshada deegaanku ku leedahay guushiisa. Waxa kulanka ka qayb-galay Guddiga Joogtada ah ee Banka Qoolcaday (VRC), kuwaas oo metalaya bulshada iyo deegaannada ku teedsan goobaha mashruucu ka hirgelayo.

Madaxa Mashruuca Qoolcaday, Mustafe Cumar Jibriil, ayaa si qoto dheer uga warbixiyey ujeeddooyinka mashruuca, marxaladihii uu soo maray iyo qorsheyaasha shaqo ee horyaalla. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in guusha mashruucu ku xidhan tahay wada-shaqayn adag oo dhex marta bulshada, maamulka deegaanka iyo hay’adaha fulinaya mashruuca.

Dhankiisa, Duqa Degmada Salaxley ayaa ku tilmaamay mashruuca Qoolcaday mid fure u noqon kara horumarinta deegaanka, kor u qaadista wax-soo-saarka reer miyiga iyo illaalinta khayraadka dabiiciga ah. Waxa uu xaqiijiyey in maamulka degmadu si buuxda uga qayb qaadan doono fududaynta hawlaha lagu hirgelinayo mashruuca.

Sidoo kale, Xoghayaha Degmada Salaxley ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ka qaybgalka bulshada, isaga oo tilmaamay in ilaalinta deegaanka iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ahi ay yihiin masuuliyad wadajir ah oo saaran dhammaan bulshada.

Gabagabadii, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Mudane Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar), ayaa sheegay in Mashruuca Qoolcaday uu qayb ka yahay qorshaha guud ee Wasaaraddu ku xoojinayso horumarinta reer miyiga, ilaalinta deegaanka iyo kor u qaadista nolosha bulshada ku dhaqan miyiga. Wasiirku waxa uu bulshada ugu baaqay midnimo, wadajir iyo iskaashi, isaga oo xusay in horumarku ku yimaaddo marka bulshada oo dhan ay hal himilo u wada istaagto.

Kulankan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa maalintiisii koowaad ku soo dhammaaday jawi is-afgarad iyo isfaham, iyadoo dhammaan dhinacyadii ka qayb-galay ay muujiyeen diyaar-garow iyo taageero buuxda oo lagu xaqiijinayo guusha Mashruuca Qoolcaday iyo faa’iidooyinka uu mustaqbalka u horseedi doono bulshada deegaanka.