Hindiya ma ka qayb geli doontaa Koobka Adduunka ee FIFA?

0
59

Hindiya weligeed kamay soo muuqan koobka adduunka, waana dalka aduunka ugu dadka badan, waxay dad badani is weydiinayaaan sababta waddan dadkiisu gaadhayo 1.4 Bilyan uu uga soo qayb geli waayey tartanka koobka adduunka, iyada oo wadamo tirada dadkoodu gaadhayso 500,000 qof ay ugu soo bexeen koobka adduunka. Mar kasta oo uu dhammaado tartan koobka adduunka ahi, dadka Hindiya waxay niyadda ku dhistaan in ay tartanka ku xiga ka soo qayb geli doonaan, balse ma dhacdo. Habadaba goorma ayey Hindiya ka soo qayb geli doontaa Koobka Adduunka ee Fifa?

Su’aasha ay taageerayaasha kubadda cagta Hindiya ay la nool yihiin baroordiiqdeeda. Markii 11 June, 2026 uu bilowday “bandhiggii ugu weynaa adduunka” dadka reer Hindiya weli su’aashaa ayaa ku taagan.

Kooxda kubadda cagta ragga ee Hindiya waxa loogu yeedhaa Blue Tigers, sannadihii la soo dhaafay oo dhan su’aashaas ayaa ku noqotay wax  ay ka gudbi waayeen, xitaa dalku  waligii  kamuu gudbin wareegyada hordhaca ah ee isreebreebka aagga Aasiya.

Si kastaba ha ahaatee, waxa layaabka leh dadka Hindiya waxay ku jiraan dadka aad u daawada koobka adduunka. Dhowr gobol oo Hindiya ah oo kubadda cagta si waalan ayey ula socdaan sida: West Bengal, Kerala iyo Goa. Gobolladaasi waxay lacag badan ku bixiyeen taalooyin ay u dhiseen Messi iyo Ronaldo.

Dadka Hindiya waxay la kulmaan su’aalo badan oo ku saabsan in Hindiya ay ciyaarto kubadda cagta iyo in kale, laakiin Inta badan waddanku wuxuu ciyaara kubadda cricket-ka, sida uu sheegay qoraa sare oo kubadda cagta Hindiya ah.

Ma aha Hindiya oo keliya – dalka deriska la ah Shiinaha, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan adduunka, sidoo kale mar oo keliya ayuu u soo baxay Koobka Adduunka.

Baichung Bhutia, oo hore kabtan uga ahaan jiray xulka qaranka isla markaana ah mid ka mid ah magacyada ugu waaweyn kubadda cagta Hindiya, ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in Hindiya ka soo muuqato koobka adduunka, laakiin ay weli adag tahay.

“Haa, Hindiya si hubaal ah ayay u ciyaari kartaa [Koobka Adduunka] maadaama aanay. Qoondada kooxaha Aasiya waxay gaadhay hadda ilaa siddeed,iyada oo ay weheliso koox sagaalaad oo isreebreeb la soo gelaysa dal kale, waxaana hadda sidaa ku soo baxday Iraq. Waxa ciyaaraya Uzbekistan iyo Jordan oo aan weligood iman. Si kastaba ha ahaatee, waxay u baahan doontaa shaqo adag,” ayuu yidhi.

Hindiya waxa hor taalla shaqo adag marka loo eego in ay la tartanto Australia, Iran, Japan, Jordan, South Korea, Uzbekistan, Qatar, Saudi Arabia iyo Ciraaq.

Dadka Hindiya waxay qabaan in kubbada cagta loogu soo jeedin sida loogu soo jeeedo Cricket-ka, waalidiin badani waxay carruurtooda geeyaan tababarada Cricket-ka, laakiin ma xiiseeyaan kubada cagta.

Hadda waxa dadka Hindiya lagu maaweeliyaa waxa loogu yeedho Himilada Chaubey ee 2047 – oo ah qorshe hammi leh oo loo ballan qaaday inuu 35 milyan oo carruur ah ku soo biiri doono kubadda cagta.

Laakiin waxa koobka adduunka ka horreeya hal tallaabo oo ah in loo soo baxo Koobka Aasiya.  Si kastaba ha ahaatee, hadda arrimaas oo dhammi waa qorsheyaal, taageerayaasha Hindiya-na weli meel fog ayey ka daawanayaan koobka adduunka, iyaga oo u sacbinaya Messi, Ronaldo iyo Neymar, iyaga oo la yaaban guulaha ay gaadheen dalalka sida Curaçao iyo Cape Verde oo ah waddamada ugu yar ee abid gaadha Koobka Adduunka.