Dalalka Afrika iyo Kariibiyaanka ayaa ku baaqay in si rasmi ah looga raaligeliyo magdhowna ka bixiyaan, gaar ahaan dalalkii ka faa’iideystay ganacsiga addoonta ee ka gudbayey Atlaantik.
Dalabaadkan ayaa yimid dhammaadkii shir saddex maalmood socday oo ka dhacay Ghana kaas oo la doonayay in lagu horumariyo dedaalka loogu jiro caddaaladda magdhawga.
Dalabkan ayaa daba socday qaraar muhiim ah oo Qaramada Midoobay ay soo saartay horraantii bishii Maarso kaas oo addoonsiga transatlantic u aqoonsaday “dambiyada ugu daran ee ka dhanka ah aadanaha”, isaga oo ku boorriyay waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay gacan ka geystaan sanduuqa magdhowga.
Qiyaastii 12-15 milyan oo rag, dumar iyo carruur Afrikaan ah ayaa la qabtay oo loo dhoofiyay Ameerika si ay addoon ahaan ugu shaqeeyaan laga soo bilaabo qarnigii 15-19aad.
Qorshe magdhow ah oo ka kooban 19 qodob ayaa lagu ansixiyay UN, kaas oo lagu sii lafa guray shirka ka dhacay caasimadda Ghana ee Accra.
Dalabaadku wuxuu ku baaqeyaa in la cafiyo deymaha oo dhan, in la soo celiyo hantida dhaqanka iyo farshaxanka ee la dhacay, iyo in la sameeyo sanduuq magdhow oo caalami ah, inkasta oo aan la sheegin xaddi gaar ah. waxa sidoo kale uu ku baaqayaa dalabku in la qiro saameynta aan caadiga ahayn ee addoonsigu uu ku yeeshay haweenka iyo gabdhaha Afrikaanka ah.
Hoggaamiyeyaasha shirku waxay si gaar ah ugu baaqeen dalalkii hore ugu lugta lahaa ganacsiga addoonsiga inay bixiyaan “raaligelin buuxda oo shuruud la’aan ah”.
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa u sheegay ergooyinka: “Taariikhdu nagama codsanayso inaan dhaxalno dambiga, laakiin waxay naga codsanaysaa inaan dhaxalno mas’uuliyadda”.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo shirka ka jeediyay qoraal online ah, ayaa sheegay in dadka la addoonsado “lagu xadgudbay oo loola dhaqmay sidii alaab”.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka digay in aanu magdhowga dhaqaale noqon “jeeg la qoray si sheekada loo soo gabagabeeyo”.”Laakiin uu noqdo wax waara”.
Codbixinta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhacday bishii Maarso, iyada oo 123 cod ay taageereen, iyo saddex cod – Maraykanka, Israa’iil iyo Argentina – oo ka soo horjeestay in ganacsiga addoonta ee transatlantic-ka uu yahay dambi ka dhan ah aadanaha.
52 waddan, oo ay ku jiraan Boqortooyada Ingiriiska iyo waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub, ayaa ka aamusay.
Boqortooyada Ingiriisku waxay muddo dheer diidayey baaqyo lagu dalbanayo in la bixiyo magdhowga, isaga oo sheegay in hay’adaha maanta aan mas’uul ka noqon karin khaladaadkii hore.
“Ma jiro hal xasuuq oo loo arko mid ka weyn ama ka yar mid kale,” ayuu yidhi safiirka UK ee Qaramada Midoobay James Kariuki.
Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku celiyay arrintan, isaga oo sheegay in dalkiisu “aanu aqoonsanayn xuquuqda sharciga ah ee magdhowga khaladaadka taariikhiga ah ee aan sharci ahayn marka loo eego sharciga caalamiga ah xilligii ay dhaceen”.
Wuxuu intaas ku daray in qaraarka Qaramada Midoobay aanu caddayn “cidda ay noqon doonaan kuwa heli doona ‘caddaaladda magdhawga'”.
Ma jiro waddan waligiis magdhaw u bixiyay faraca Afrikaanka la addoonsado ama waddamada Afrika, Kariibiyaanka iyo Latin Ameerika ee ay dhibaatadu saameysey.
Inta badan magdhawga ay bixiyaan dowladuhu wuxuu ku yimid qaab magdhow ah oo la siiyey mulkiilayaasha addoommada qarnigii 19-aad, halkii laga siin lahaa kuwa la addoonsaday.




















