Waddooyinka xad dhaafka ah ee dhul daaqsimeefduku waa dabar go,a Xoolaha.

0
53

Guud ahaan caalamka ay nu ku noollahay dalkastaa waxa  uu ilaashadaa ishiisa dhaqaale ee ugu wayn ee ay ku xidhan tahay noloshiisu. Somaliland lafdhabarte4eda dhaqaale iyo udub dhexaadka nolosheedu waa xoolaha nool kuwaas oo nolosha miyi iyo magaalaba ay ku tiirsan yihiin.

Haddaba Waxa loo baahan yahay in wax layska waydiiyo sii jiritaanka nolosha xoolaha iyo dhaqashadooda lagana hortago wax kasta oo wax yeelo ku ah nolosha duunyada aynu dhaqano.

Sannadihii ugu dambeeyey waxa soo maray dalka abaaro saameeyey nolosha dad iyo duunyaba waxaana la galay xaaladdo gurmad iyo samaatabixin balse marna laysma waydiin sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha soo noqnoqday.

 

Dhul-daaqsimeedka miyiga ah ee ay ku noolaayeen xooluhu waxa ka dilaacay boqolaal waddo oo jiho kasta u socda ee qulqul ka biyo roobaadka u diiday inay dhul-daaqsimeedka ku faafaan kana dhigay deegaanka nabaad guur aan biyo roobaad ku hakan.

Inta dalkeenu ka ooman yahay biyo cir ku hafanayo tog rogmaday marna daad qaad marna abaar ka ooyeyno dhaqashada duunyadu waa mid aan sii jirayn.

Guud ahaan xukuumadda waxa ku waajib ah inay la timaado siyaasad cad oo damaanad qaadaysa illaalinta dhul-daaqsimeedka, ka hortagga dhul oodashada sharci-darrada ah iyo waddooyinka nabaad guuriyey dhul-daaqsimeedka.

Wasaaradda xanaanada xoolaha waxa la gudboon ka warhaynta, la socodka iyo kormeeridda xoolaha lagu qalo magaalooyinka in ay ku jiraan xoolo riman si loo ilaaliyo taranta xoolaha waa in ay jiraan kuwo aan la qali Karin iyo kuwo u bannaan qalliinka.

Haddii aan laga hortegin wax kasta oo dhib ku ah noosha duunyadeena xoolaheeno waa dabar go. Waxa aynu noqon doonaa caydh xoolo ku faanta.