Mashruuca SERP: Casriyeynta iyo Horumarinta Maamulka Maaliyadda Somaliland”

0
81

Hargeysa (Dawan) Shirkii dib-u-eegista Mashruuca Horumarinta Maamulka Khayraadka Dawladda (SERP) ee lagu soo gebagebeeyey magaalada Hargeysa ayaa mar kale muujiyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dib-u-habaynta hay’adaha dawladda iyo casriyeynta maamulka maaliyadda qaranka. Mashruucan, oo ay si wadajir ah u hirgelinayaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Bangiga Adduunku, waxa uu ka mid yahay barnaamijyada ugu waaweyn ee lagu dhisayo dawladnimo hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana la jaanqaadi karta nidaamyada casriga ah ee maamul.

Muddooyinkii u dambeeyey, Mashruuca SERP waxa uu horseeday horumar la taaban karo oo laga gaadhay maamulka maaliyadda dawladda, gaar ahaan dhinacyada maamulka cashuuraha, maaraynta kharashaadka dawladda, kaydinta xogta iyo maamulka shaqaalaha. Hirgelinta nidaamyada casriga ah sida ITAS, SLFMIS iyo HRMIS waxay sare u qaadeen hufnaanta shaqada, fududeeyeen helitaanka xogta saxda ah, isla markaana xoojiyeen isla xisaabtanka hay’adaha dawladda.

Dib-u-habaynta maamulka maaliyaddu maaha oo keliya arrin farsamo; waa geeddi-socod lagama maarmaan u ah koboca dhaqaalaha, kor u qaadista kalsoonida shacabka iyo horumarinta adeegyada ay dawladdu bixiso. Sidaa darteed, guul kasta oo laga gaadho mashruucan waxay si toos ah uga qayb qaadanaysaa dhismaha hay’ado awood leh oo si hufan ugu adeega bulshada. Waxa mudan in la bogaadiyo iskaashiga midho-dhalka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Bangiga Adduunka, kaas oo suurto-geliyey in la hirgeliyo mashaariic muhiim u ah horumarka qaranka. Gebogebadii, Mashruuca SERP waxa uu caddeeyey in dib-u-habaynta maamulku tahay maalgashi qaran oo muhiim u ah mustaqbalka Somaliland.