Bisayl Siyaasadeed: Madaxweyne Cirro iyo Dhaqanka Kala-guurka Hogaaminta Dimuqraadiga ah

0
34

Aragtida Madaxweyne Dr. Cirro ee Joogteynta Dimuqraadiyadda

Bisaylka Siyaasaddeed ee Madaxweynaha Oo Jiheeyey Mustaqbalka Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa muujiyey bisayl siyaasadeed iyo faham qoto dheer oo ku saabsan hoggaaminta ku dhisan dimuqraadiyadda iyo muhiimadda qorshaynta muddada kala-guurka hoggaamineed. Madaxweyne Cirro wuxuu bulshada tusay in hoggaamintu aanay ku dhisnayn sii haysashada awoodda, balse ay ku qotonto diyaarinta hoggaan cusub oo sii ambaqaada himilooyinka qaranka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu si cad u sheegay in marka uu dhammaysto muddo-xileedka uu Dastuurku u oggol yahay, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, uu noqon doono musharraxa ugu horreeya ee xisbiga u meteli doona tartanka xilka Madaxweynaha. Hadalkaasi wuxuu noqday dhacdadii ugu saamaynta badnayd uguna hadal-haynta badnayd Shirweynihii 5-aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI, isaga oo iftiimiyey jihada siyaasadeed ee mustaqbalka iyo aragtida hoggaamineed ee xisbiga.

Dhaqanka siyaasadeed ee noocan ahi wuxuu ka mid yahay tiirarka aasaasiga ah ee lagu qiimeeyo bisaylka iyo tayada xisbiyada dimuqraadiga ah. Taariikhda iyo waayo-aragnimada nidaamyada dimuqraadiyadeed ee guulaystay waxay caddaynayaan in xisbiyada siyaasadeed ay gaadhaan xasillooni iyo horumar waara marka hoggaamiyeyaashoodu u arkaan xilka masuuliyad qaran oo ku kooban muddada uu sharcigu jideeyey, halkii ay u arki lahaayeen hanti siyaasadeed. Hoggaaminta noocaas ahi waxay xoojisaa kalsoonida shacabka, waxayna dhistaa dhaqan siyaasadeed oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo isbeddel nabdoon oo xiligiisa ku yimaada.

Marka laga eego aragtidaas, hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro wuxuu xoojinayaa dhaqanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku soo caano-maashay, waxaanu caddaynayaa in hoggaaminta mas’uulka ahi aanay ku salaysnayn sii haysashada awoodda, balse ay ku qotonto isbeddelka siyaasadeed, xaqiijinta kala-guur nabdoon iyo dhismaha jiil hoggaamineed oo cusub, kaas oo sii ambaqaada geeddi-socodka dimuqraadiyadda, himilooyinka iyo horumarka qaranka.

Sidoo kale, hadalka Madaxweyne Cirro wuxuu xambaarsan yahay farriin cad oo ku wajahan Xisbiga WADDANI iyo guud ahaan saaxadda siyaasadda Somaliland. Wuxuu iftiiminayaa jihada uu xisbigu u doonayo in uu u qaabeeyo kala-guurka hoggaamineed, isaga oo xoojinaya isku-duubnida xisbiga iyo yaraynta hubanti la’aanta la xidhiidha loolanka hoggaanka ee mustaqbalka. Isla markaana, wuxuu bulshada u soo bandhigayaa xisbi leh aragti hoggaamineed oo cad iyo qorshe siyaasadeed oo lagu xoojinayo kalsoonida taageerayaasha, laguna wajaho tartamada siyaasadeed ee mustaqbalka.

Ugu dambayn, Dimuqraadiyadda dhabta ahi kuma koobna oo keliya qabashada doorashooyin, balse waxay ku dhisan tahay in hoggaamiyeyaashu abuuraan dhaqan siyaasadeed oo dhiirrigeliya kala-guur nabdoon, sii socoshada nidaamka dimuquraadiga ah iyo diyaarinta jiilal cusub oo hoggaamineed. Taasi waa tiirka ugu weyn ee xaqiijiya, guusha xisbiyada, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka qaranka.