Golaha Dhexe ee WADDANI oo Meel Mariyey Miisaaniyadda iyo Aydholajiyada Xisbiga

0
40

Hargeysa (Dawan) Shirweynaha 5-aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI ayaa shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna aasaasaha xisbiga, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, hoggaanka sare ee xisbiga, xubnaha Golaha Dhexe iyo marti sharaf kale.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen 347 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga, waxa goob-joog ka ahaa Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somalialnd. Sidoo kale, waxa lagu casuumay xisbiyada qaranka ee KULMIYE iyo KAAH.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo khudbad taariikhi ah ja jeediyay shirka golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ayaa ku dhawaaqay in marka uu dhammaysto muddo-xileedka uu Dastuurku u oggol yahay in musharraxa ugu horreeya ee ku xigaa uu noqon doono Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxaanu yidhi “Marka aan dhammaysto muddo-xileedka uu Dastuurku ii oggol yahay, musharraxa igu xigaa waa Xirsi Cali Xaaji Xasan.”

Dhankiisa, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirka, isaga oo sheegay in mabaadi’da siyaasadeed ee xisbigu ay saldhig u yihiin “Nabad iyo Barwaaqo.” Waxa kale oo uu xusay in WADDANI yahay xisbi qaran oo u siman dhammaan bulshada Somaliland, isla markaana uu hirgeliyey himiladii Madaxweyne Dr. Cirro ku aas-aasay ee ahayd in la dhiso xisbi qaran oo bulshadu u simán tahay.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiga WADDANI waxa uu xaqiijiyay himiladii Madaxweynuhu ku aasaasay Xisbiga ee ahayd in la aasaaso xisbi QARAN oo bulshdu u siman tahay. Waxaana dhabowday in xisbugu noqdo mid lagu soo kala horreeyo, balse aan la kala lahayn.” Guddoomiyuhu waxa kale oo uu si rasmi ah xisbiga ugu soo dhaweeyey masuuliyiintii iyo siyaasiyiintii maalmihii u dambeeyey ku soo biiray Xisbiga WADDANI, isaga oo ku hal qabsaday siyaasi Qabyo-tire.

Intii uu socday shirku, Golaha Dhexe waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Aydhiyoolajiyada (Ideology-ga) Xisbiga WADDANI, iyadoo ay oggolaadeen 290 xubnood, isla markaana ay diideen 8 xubnood, halka 6 xubnoodna ay ka aamuseen. Sidoo kale, Golaha Dhexe ayaa ansixiyey miisaaniyadda xisbiga oo dhan $594,000, waxaana oggolaaday 294 xubnood, halka ay diideen 7 xubnood, saddex xubnoodna ay ka aamuseen.