Warbixin Caalami ah: Somaliland oo Ka Muuqatay Shirweynaha Hal-Abuurka Caafimaadka ee Africa Asia Pacific

0
28

Taipei, (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay baahisay Taiwan Medical Mission (TMM) ayaa lagu sheegay in iskaashiga caafimaad ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan uu si weyn u sii xoogaysanayo, isla markaana ay labada dawladood si wax ku ool ah u ballaadhinayaan xidhiidhkooda, iyada oo todobaadkii u dambeeyay la qaaday tallaabooyin muhiim kadib markii wafdi heer sare ah oo ka socday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ay booqasho rasmi ah oo ku tageen dalka Taiwan.

Sida lagu sheegay warbixinta, wafdiga oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, isla markaana ay xubno ka ahaayeen Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa iyo khubaro caafimaad, ayaa ka qayb-galay Shirweynaha Africa–Asia Pacific Health Innovation and Global Partnership Summit oo lagu qabtay magaalada Taipei.

Warbixinta ayaa shirkan ku tilmaantay Shirkan caalamiga ah oo isugu keenay masuuliyiin dowladeed, khubaro caafimaad iyo hay’ado kala duwan oo ka kala socday dalalka Afrika, Aasiya iyo Baasifigga, kuwaas oo ka wada hadlay hal-abuurka caafimaadka, xoojinta nidaamyada caafimaadka, iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Sidoo kale waxa lagu xusay warbixinta intii uu shirku socday, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa jeediyey khudbadda furitaanka, halka wafdiga Somaliland ay soo bandhigeen warbixin ku saabsan horumarka siyaasadaha caafimaadka ee Somaliland iyo qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka dalka.

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in wafdigu ay sidoo kale ka qayb-galeeny Bio Asia–Taiwan 2026, isaya oo booqday wasaarado, isbitaallo, jaamacado iyo hay’ado iskaashi oo ku yaalla Taiwan. Booqashooyinkaasi waxay fursad u noqdeen is-weydaarsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada la xidhiidha xoojinta nidaamka caafimaadka, adeegyadas caafimaadka dijitaalka ah, adeegsiga sirdoonka macmalka ah (AI), u-diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka bulshada iyo horumarinta tayada shaqaalaha caafimaadka.

Warbixinta TMM ayaa lagu sheegay in booqashadani ay sii xoojisay xidhiidhka caafimaad ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, isla markaana ay abuurtay fursado cusub oo lagu horumarin karo adeegyada caafimaadka iyo iskaashiga labada dhinac. Hay’adda TMM waxay sidoo kale sheegtay in iskaashiga ku salaysan kalsoonida, aqoonta iyo is-dhaafsiga khibradaha uu sii xoojin doono xidhiidhka caafimaad ee Somaliland iyo Taiwan, isla markaana uu ka qayb qaadan doono dhismaha bulshooyin caafimaadkoodu wanaagsan yahay iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee Somaliland.