Hadal Beena, Dheg Beena Dhegaysta!

0
8

Beentu waa xumaan muujinaysa fasaadka qofka sheegaya waxayna shar ku tahay bulshada , qofkana waxay ku noqonaysaa denbi haddii aanay jirin baahi islaamku ogol yahay oo ku keliftay. Rasuulka Allaha (scw) waxa uu xadiis ku sheegay in aan qofka mu’minka ahi noqon Karin beenaale.

Xaasidku waa mid go’aan yar, gacan adag, oo aan kalsooni lahayn, waana ta keenaysa marka fursaduhu dhaafaan in shirqool iyo xumaan kula dhaqmo dadka kale ee wakhtiga ka faa’iidaysanaya. Isagoo af iyo addinba kaga hor imanaya. Waxaana uu xaasida qofka ka horeeya.  Gabaya Carbeed ayaa isagoo ka hadlaya wiil dadaal badan oo ay dad badani ka xumaadeen horumarkja uu samayanyo ayaa gabay ku yidhi:

“ Way xaasidayaan wiilka, markii ay gaadhi waayeen dadaalkiisa”,. Kitaabka Rowdtu cuql;aa ee uu qoray Abu- Xatim Rasi bogga  133, waxa u uku qoray “ Qofka xaasidku ma dego, naftiisuna ma nafisto ilaa uu arko qofka uu xaasidayo oo dhib ku dhacday”.

Gabayaagii Carbeed ee Cantrah oo aha abwaan caan ah ayaa isna isagoo ka hadlay xasadka gabay ku yidhi: “ Xasadku kuma qaado meel sare, cadhadana laguma gaadho guul” (Kitaabka Khuluqul Muslim/Maxamed Qasali).  Waxa loo baahan yahay in maskaxada laga faa’iidaysto oo hadalka badan ee beenta iyo dhawaaqa aan xasad mooyee xikmad lahayn la iska dhafo.  Oo yaan la noqon : “ Hadal been ah dheg Been ah ayaa lagu dhegaystaa”. “ FAKHRIGA FADHI LAGUMA REEBO”.